Taliyeyaasha Ciidamada oo ka hadlay Go’aanka Madaxweynaha Iyo Amarka ay Qabaan

Hargeysa (SLpost)- Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga Sareeyo Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Booliska ee Somaliland Sareeyo Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Maanta Warbaahinta la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda Ammaan iyo tallaabooyinka ee wakhtigan ay ka fuliyeen go’aanka xaaladda degdegga ah ee Madaxweyne Muuse Biixi ku soo rogay gobolka Sanaag.

“Wixii Nabedgalyada wax u dhimaya talaabo adag ayaanu ka qaadaynaa wax kasta ku baxaane,waxaana Ciidanku qaban karaan cid kasta oo is hor taagta hawl galkaa ay falinayaan ee kula kacda ficilo kicin ah ama barobagaando.

Waana in loo hogaan samaa awaamiirtaa ka soo baxday Madaxweynaha Qaranka ee ay fulinayaan ciidanka Qaranka iyo ciidanka Booliska Somaliland.”