Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag oo ka hadlay Geerida Afhayeenkii Ciidanka Booliska Somaliland

Ceerigaabo (SLpost)- Taliyaha Qaybta Boliiska Sanaag Cabdirisaaq Yuusuf (Casayr), ayaa ehelkii, qaraabadii, Ciidanka Booliska iyo Qaranka uu ka baxay ka tacsiyadeeyey Alle u naxariistee Afhayeenkii Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Cabdilaahi Xasan oo oo manta ku geeryoodey Magaalada Hargeysa.

TaliyahaTaliyaha Boliiska Sanaag oo khadka telefoonka kula hadlay Wariye Cabdillaahi Xuseen Darwiish isaga oo ku sugan magaalada Ceerigaabo, waxa uu yidhi “Anigoo ku hadlaya Afka Ciidanka Boliiska G/Sanaag iyo Afkaygaba Waxan Tacsi tiiraanyo leh Guud ahaan Qaanka Somaliland, Gaar ahaan Ciidammada Boliiska Somaliland, Eheledii, Qaraabadii iyo Qoyskii uu ka geeryoodeyba ka tacsiyadaynayaa Geerida ku timid Gaashaanle Cabdilaahi Xasan oo ahaa Afhayeenka Guud Ee Boliiska Somaliland kuna geeriyoodey manta Magaalada Hargeysa”

“Waxan Marxuumka Eebbe uga baryayaa inuu jannadii Farduusa ka waraabiyo innagana Samir iyo Iimaan Innaka siiyo,” ayuu yidhi Taliye Qaybta booliska ee Gobolka Sanaag.

 Somalilandpost.net