Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Awdal oo Ka Warbixiyey Xaaladda Amni iyo tirada faldambiyeedyada la diiwaangeliyey sannadkii hore

Boorama (SLpost)- Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal Axmed Xasan Cabdiraxmaan (Ilka-Case), ayaa ka warbixiyey xaaladda Amniga ee gobolka iyo kaalinta ay ciidamada boolisku ka qaataan.

Taliyaha oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu ugu horayn ka hadlay amniga guud ee Gobolka Awdal, “Xaaladda nabadgalyadu waa 100% guud ahaan Gobolka Awdal, amnigu waa mid la isku halayn karo, wax walbana sideedii caadiga ahayd ayay u socdaan,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliye-AxmedTaliyuhu waxa uu ka hadlay dhawaaqii ka soo baxay  dawlada ingiriiska, waxaanu yidhi “Layaab ayay nagu noqotay nabadgalayo daro ayaa jirta marka uu leeyahay dawlada Ingiriisku, waxaan warkaasi u aragnaa mid siyaasadeed, anagu waxaan cadaynaynaa in amnigu yahay mid buuxa oo la isku halayn karo.”

Taliyuhu waxa uu xusay waxqabadikii Booliska ee Sanadkii tagay kaasi oo uu sheegay in ay guud ahaan gibolka ka dheceen in ka badan 4 kun oo fal-dambiyeedyo kala duwan ah isla markaana ay u soo qabteen in ka badan 5kun oo eedaysane, taasina ay muujinayso hawsha ballaadhan oo Ciidanku u hayaan bulshada.

Taliye Axmed Xasan, waxa uu sheegay in Booliska iyo shacabka uu xidhiidh balaadhani ka dhaxeeyo waxana uu yidhi “ Booliska iyo shacabka waxa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan, waxa aan qirayaa in xidhiidhkaasi wanaagsan yahay, waxana u dhaliil ah mudaharaadadii arinta Saylac bilawgoodii oo ay dadka iyo Boolisku is dhex socdeen, waxase jirta in loo baahan yahay in dadka gabi ahaanba loo sheego in boolisku yahay saaxiibka dadka isla markaana ay ku gacan siiyaan inuu shaqadiisa si wanaagsan u guto.”

Somalilandpost/Hargeysa