Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo ka hadlay Masuul Sare oo ka tirsan Dawladda Somaliya oo socdaal laba maalmood ah ku joogay Magaalada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Laanta Socdaalka Somaliland ayaa ka hadashay socdaal uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya isaga oo booqdayxafiiskyo ka tirsan laamaha kala duwan ee Dawladda Somaliland.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Md Maxamed Cali Yuusuf oo Telefishanka HCTV wax ka weydiiyey wararka ku saabsan socdaalka masuulkaasi magaalada Hargeysa ku yimi, ayaa xaqiijiyey in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Ku-meelka gaadhka ee Soomaaliya safar laba maalmood qaatay ku joogay magaalada Hargeysa.

Taliyaha waxa uu sheegay in Masuulkaasi ka mid ahaa rakaab la socday Diyaaradda East African Airways oo mudddo laba maalmood ah cillad farsamo u fadhiday Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

HOOS KA DAAWO WARKA OO DHAMMEYSTIRAN

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net