Taliyaha Laanta Socdaalka oo Qiray Hakad ku yimi Howsha Mishiinka daabaca Baasaboorrada Cusub

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo ka hadlay Masuul Sare oo ka tirsan Dawladda Somaliya oo socdaal labada maalmood ah ku joogay Magaalada HargeysaHargeysa (SLpost)- Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf, ayaa beeniyey inay jirto cillad ku timi Mishiinka farsameeya Passport-ka Cusub ee E-Passport oo la sheegay inuu gebi ahaanba joojiyey hawshii daabacaadda Baasaaboorka, kaddib markii maalmihii u dambeeyey warbaahinta maxalliga ahi siyaabo kala duwan wax uga qorteen warar la xidhiidha Mishiinka oo lagu sheegay inuu hakad ku yimi qaadashada baasaboorrada.

Haseyeeshee, Taliye Maxamed Cali waxa uu qiray inuu hakad ku yimi Daabacadda Passporrada Cusub, isaga oo arrintaa ku sababeeyey Mishiinka oo lagu xidhiidhiyey Qalabka iyo Server-ka lagu keydiyey Diinwaagelinta Macluumaadka Muwaadiniinta si loo xaqiijiyoi in qofka Passport-ka qaadayaa uu yahay Muwaadin u dhashay Somaliland, si looga maarmo in qofka la weydiiyo Xogta looga baahan yahay qaadashada Baasaboorrada.

Taliyuhu waxa uu tilmaamay in culayska hawsha Isku-xidhka labada Server-ka ay ku keydsan yihiin Macluumaadka Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo Mishiinka soo saara Passport-ka oo culayskeeda leh awgeed ay sababta hakad ku yimi daabacadda baasaboorrada balse waxa uu sheegay in hawsha bixinta Passport-ku si habsami leh u socoto.

HALKAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland