Taliyaha Guud ee Booliska beeniyey in tacaddiyo lagula kacay Musharixiin ka tirsan ururka UMADDA

Taliye Fadal

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Guud ee Ciidamda booliska Somaliland Jeneral Cabdilaahi Fadal Iimaan, markii u horreysay ka hadlay xadhig la sheegay in boolisku u geysteen Musharixiinta urur-siyaasadeedka UMADDA ee degmooyinka dalka.

Taliyuhu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka lagu sheegay in ciidamada booolisku xadhig kula kaceen Musharixiinta urur siyaasadeedka Umadda oo Guddoomiyaha ururkaasi sheegay inay dhammaayeen shan Musharax, balse taliyuhu waxa uu sheegay in la xidhay hal musharax oo Diin cay loo qabtay.

“Musharixiinta la sheegay in la xidhay ma jiraan, Taliyaha booliska ee Saraar waan la xidhiidhay, Baligubadle waan la xidhiidhay, waxayna ii sheegeen in aanay jirin Musharixiin la xidhay, Hargeysana ninkaa diin cayga loo xidhay oo aan Guddoomiyaha laftiisa ku qanciyey in maxkamadda la horgeeyo, subaxiina waa la horgeeyay waana la siidaayay,” ayuu yidhi taliyaha oo warbaahinta kula xadlayey xafiiskiisa.

Taliyaha boolisku waxa uu beeniyey eedaymo Guddoomiyaha Umaddu ku sheegay in tacadiyo lagu hayo Musharixiintooda, waxaanu tilmaamay in aanay jirin ciidamo boolis ah oo wax dhibaato ah si gaar ah ugu haya ururka Umadda.

Somalilandpost.net/Hargeysa