Taliyaha Cusub ee Laanta Socdaalka Somaliland oo Xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Hay’addaas

Hargeysa, 09 April, 2012 (SLpost)- Taliyaha Cusub ee Laanta Socdaalka Somaliland Md. Maxamed Cali Yuusuf ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Laanta Socdaalka Md. Maxamed Cismaan Caalin.

Munaasibadda Xil-wareejinta oo lagu qabtay xarunta Laanta Socdaalka ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Daakhiliga, masuuliyiin ka socotay hay’adaha amaanka iyo shaqaalaha hay’addaas, waxa ugu horeyn halkaa ka hadlay Taliyihii hore ee Laanta Socdaalka Somaliland  Maxamed Cismaan Caalin, ayaa ka war-bixiyey muddadii uu xilka hayey  wax-yaabihii u qabsoomay  oo uu xusay in dhammaan ay ka shaqaysiiyeren xafiisyadii Laanta socdaal ee Gobolada dalka,  Marinada  laga soo galo dalkana ay ka sameeyeen  Xafisyada socdaalka  laguna qalabeeyey is-gaadhsin  casriya,oo lagu hubiyo dadka socotada ah ee dalka soo gelaya.Waxa kale oo uu taliyihii hore uu sheegay, In  ay ciidanka laanta socdaalka  la siiyey tababar  iyo dirayskoodiiba.

Taliyaha cusub ee Laanta socdaalka S/Land Maxamed Cali Yuusuf oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa  sheegay in uu   ku dedaali doono in uu  gaadhsiiyo  Laantan Socdaalka  heer Caalamiya, waxaanuu  sheegay in taliyihii hore uu soo gaadhsiiyey  heer wanaagsan isna uu halkaasi ka sii ambaqaadi doono.

Gebagebadii Xafladaasi xil-wareejinta  waxa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka  amniga ee wasaarada arimaha gudaha Mud Cabdillahi Abokor Cismaan, waxaanuu ugu horayn halkaasi uga mahad naqay Taliyihii hore ee Laanta socdaalka, kaasi oo uu sheegay in uu wax badan ka qabtay Laanta socdaalka horumarinteeda. Waxaanuu taliyaha cusub u rajeeyay inuu ilaahay isna xilka  loo dhiibay ku asturo.

Munaasibada Xil-wareejinta waxa Goob joog  la ahaa, Taliyaha Ciidanka Booliska S/Land Cabdillahi Fadal Iimaan,Taliye xigeenka Ciidanka sluubta Xasan Cali dheere,Taliye xigeenka laanta socdaalka Maxamed  saleebaan xaaji xasan.iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta  Hay’adda I.O. M.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland