Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Hargeysa, 03 April, 2012 (SLpost)- Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland  Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Ku simahii Taliyaha Ciidamka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed.

Munaasabad loo qabtay xilwareejinta oo ka dhacday Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qayb galay, wasiirka Arimaha gudaha ee Somaliland, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,  Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha, Taliyaha asluubta maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo ku xigeenkiisa Xasan Cali  iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hoggaanada Booliska Somaliland.

Ku simahii taliyaha Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si rasmi ah ugu wareejinayo dhamaan agabkii iyo Documents-kii Ciidanka Booliska.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland  Cabdilaahi fadal oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay inuu mas’uuliyad loo xilsaaray si weyn u dareensan yahay culayska ay leedahay, waxana uu sheegay inuu awoodda saarayo dhinaca ka hortaga iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka, waxana uu ka codsaday dhamaan hay’adaha kala duwan ee dhinaca ammaanka inay gacan ku siiyaan gudashada hawlahan qaran ee nabadgelyo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in waqtigani yahay kii looga baahnaa in da’yartu ay ka qayb qaadato adkaynta amniga isla markaana ay lama huraan tahay in maanta la arko generaalo dhalinyaro ah oo Somaliland amnigeeda u taagan.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa isna ugu duceeyey taliyaha Cusub inuu ilaahay xuilkiisa u fududeeyo.

Wasiirka Arinaha gudaha ee JSL Mudane Maxamed Nuur carraale Duur oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu halkan uga mahadcelinayo Madaxweynaha JSL oo go’aansaday inaanu Booliska cid dibada uga keenin, waxana uu kula dardaarmay taliyaha cusub in sharafta qaranku tahay mid ka muuqata hadba sida uu Booliska guduhu u shaqeeyo.

Gebagebadiina Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur carraale Duur ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey labada Taliye.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland