Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo Kormeer ku tagay Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Deegaannada Gambadha iyo Sool-joogto

General Shaqalle

Hargeysa, 04 April, 2012 (SLpost)- Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Somaliland General Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale)  oo ay Weheliyaan Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidamada Qaranka ayaa Kormeer hawleed ku tagay Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee Jiidaha hore ee Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle.

Taliyaha Ciidamada Qaranku waxa uu Saaka aroornimadii ku Waaberiistay Fadhiisinka hore ee deegaanka Ganbadha ee Gobolka Sool waxaanu Salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

General Ismaaciil Maxamed Cismaan “Shaqale” oo hadal kooban u jeediyay Ciidamada qaranka ee fadhiisinka hore ee Deegaanka  Ganbadha ayaa ku amaanay siday u difaaceen dalkooda iyo dadkooda horaantii todobaadkan kadib markii ay Kooxo nabadiid ahi Weerar ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka ee ku sugan Jiidaha Gobolka Sool iyo Buuhoodle isla markaana ay Guul balaadhan ka soo hooyeen Waxaanu sheegay inuu salaan uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” oo ku amaanay Ciidamada Waajibaadka Qaran ee ay u dabran yihiin Gudashadiisa,Waxa uu Taliyuhu ku Guubaabiyay dhamaanba Ciidan Weynaha Qaranka meel kasta oo ay ku sugan yihiin inay feejignaan buuxda u yeeshaan wax kastoo wiiqaya Qaranimada halganka Qadhaadh loo soo maray.

Dhanka kale,  Taliyuhu waxa uu shalay ilaa Xalay kormeer kan la mid ah ku soo maray aagagga deegaanka Buuhoodle ee fadhiisimada u ah Ciidamada Qaranka .

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net