Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Beeniyay In Askari Rasaaseeyay Xildhibaan Qabille

Hargaysa (SLpost):- Taliyaha Ciidammadda Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kaasi oo ahaa in nin habeen hore rasaas ku riday xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha wakiilada uu ka tirsan yahay ciidamada booliska.

Waxaanu sheegay taliye Fadal in aan illaa hadda la aqoonsan cida uu ahaa ninkaasi iyo waxa ku kalifay in uu falkaasi ku kaco, isaga oo xusay in ciidamadda boolisku ay ku hawlan yihiin sidii ay ninka falkaasi gaystay u soo qaban lahaayeen.

C/laahi Fadal Iimaan waxa kale oo uu sheegay in xildhibaan Qabile ka dib markii uu ninkaasi rasaaseeyay uu kiiska u soo gudbiyay saldhiga booliska, isla markaana ay ciidamadda boolisku arrintaasi ka hawl galeen.

isaga oo ka hadlayay falkaas xildhibaanku sheegay in lagu khaarajinayay, waxa uu yidhi “dhacdadaasi way dhacday, waxaana saldhiga booliska dacwad keenay xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile, waxaanu sheegay in rasaas lagu riday arrintaasina ciidamadda boolisku way ka hawlgaleen, falkaasina mid dhacay ayuu ahaa waxaana baadhistiisii gacanta ku haya ciidanka danbi baadhista, ninkii falkaasi ku kacayna baadi goobkiisa ayaa lagu jiraa”.

Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay eedaha uu Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay in falkaasi ninka gaystay uu booliska ka tirsan mid uu ku deg-degay, isaga oo ku tilmaamay mid aanu ka fiirsan hadalka Faysal ka soo yeedhay isla markaana ay fiicnayd in aanu baadhista booliska ka hordhicin.

“Waxaan leeyahay Faysal dhacdo way dhacdaa dhacdadanina way dhacday ciidanka booliska ayaana baadhaya oo waa la baadi goobayaa ninkii falka gaystay, baadhidiina gacanta ayaanu ku haynaa, cid ka danbaysay iyo cid soo dirtay midna ma jirto, oo baadhista ilaa hadda ka soo baxday, Faysal-na in uu baadhista ka hor dhaco may ahayn, goorma ayuu ogaaday cida soo dirtay, isagu miyuu la joogay markii uu ka soo dhaqaaqay ninka falka gaysanayay, waxa fiicanayd in aanu ka hor dhicin baadhista, wax ka danbaysay iyo cid soo dirtay oo uu boolisku ka warqabaa ma jirto waxna kama jiraan arrintaasi” ayuu yidhi taliyaha ciidanka booliska oo shalay u waramay laanta af-soomaaliga ee VOA-da.

Taliyaha oo la waydiiyay waxa uu kaga jawaabayo eedaha Faysal Cali Waraabe uu ku sheegay in ninka falka gaystay uu ciidamada booliska ka tirsanaa, waxa uu yidhi “waa war sal iyo raad toona lahayn, marka uu eraygaa leeyahay Faysal ee uu isticmaalayo, waxay ahayd in uu iska shaandheeyo iskana hubiyo, waa nin wayn wax uu hubo in uu sheego ayay ahayd, wax aliyaala wax ka jiraana ma jiro arrintaasi, askari boolis ah ma aha, booliskana kama tirsana ninkaasi”.

Taliye Fadal
Taliye Fadal

C/laahi Fadal Iimaan waxa kale uu sheegay inay ciidamada boolisku ay ku daba jiraan ninkii falkaasi gaystay, waxaanu yidhi “Arrintaasi si culus ayaanu baadhideedii ugu jirnaa, waxaana lagu daba jiraa sidii loo soo qaban lahaa ninkii falkaasi gaystay ee eedaysanaha ah.”

Dhinaca kale taliyaha oo la waydiiyay dhalinyarada xaafadaha caasimada falalka kala duwan ee dhaca iyo kufsiga ah u gaystay dadka xiliyada habeenkii waxa ay ka qabteen, ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay dhalinyaradaasi talaabo ka qaadeen, isla markaana ay dhalinyaro badan soo xidh xidheen.“waa dhalinyaro oo fal dhaca oo caadi ah, laakiin maxaa laga qabtay ayaa taala, ciidanka boolisku waxay si mug leh wax uga qabteen dhalinyaradaasi iyo cid kasta oo bulshada dhibaysa, nabadgelyada guud ee dalka iyo ta caasimaduna way wanaagsan tahay, dhamaanba falalkii dhacayna haddii ay kufsi tahay, haddii ay dil tahay iyo haddii ay dhaawac tahayba dhamaan ciidanka boolisku gacanta ayay ku dhigeen waxaana la horgeeyay sharciga” ayuu yidhi sareeye guuto Fadal.

Waxa kale oo uu C/laahi Fadal tilmaamay in qaar ka mid ah dhalinyaradaasi ay soo qabteen la xukumay halka ay kuwo kalena xukun ama siidayn sugayaan, isla markaana ay weli baadhisi ku socoto, waxaanu yidhi “qaar kood waa la xukumay, waxaana lagu xukumay xabsiyo kala duwan, oo hal bil ilaa saddex sano u dhexeeya, qaarna waa xukun sugeyaal, oo waa in dacwadooda la dhegeysto oo la gudo galo”.
Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa isna dhiniciisa ku andacooday in loo hanjabay isla markaana loogu hanjabay in la dili doono.

Somalilandpost.net

Hargaysa