Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Go’aanno Kasoo Saaray Xawaaraha Gaadiidku Ay Ku Soconayaan

Hargeysa, (SLpost)- Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadlay shilalka gaadiidka ee dhacay Somaliland iyo tirada dhimasho ee shilalkaas.

Taliyuhu waxa uu digniin u diray wadeyaasha gaadiidka, isagoo sheegay in laga bilaabo maanta aanay ku socon Karin xawaare dheeraynaya. “Gaadiidleyda waxaan leeyahay waa inay ilaaliyaan sharciga waddo marista, hadday tahay magaalooyinka gudahooda iyo dibaddaba, xawaaraha ay gaadiidku ku socon karaan magaalada gudaheeda waa 30 km, ciidanka waddooyinkana waxa laga rabaa inay ku kaantaroolaan oo ciddii ka badisa intaa sharciga la mariyo oo la ganaaxo, xawaaraha magaalada dibaddeeduna waa 80 km, xawaaraha gaadiidka waaweyni ay ku socon karaan magaalada dibaddeeda waa 60 km.” ayuu yidhi taliyuhu.

Dhinaca kale, taliyuhu waxa uu sheegay in bishan oo keliya ay ka dhaceen Somaliland 257 shil, isla markaana ay ku geeriyoodeen 19 qof.

Sidoo kale waxa uu sheegay taliyuhu in derajada liisamada baabuurta lagu kaantaroolo wadeyaasha baabuurta.

Somalilandpost.net