Taliyaha ciidamada Qaranka oo ka hadlay Baabuur Tikniko ah oo Ciidamada Qaranka hore loogala Baxsaday oo Maanta Gacanta loo soo galiyey (SAWIRRO+VIDEO)

Laascaanood (SLpost)- Ciidamada Qaranka ee Somaliland, saldhiggooda 7aad ee duleedka magaalada Laascaanood, ayaa maanta abbaaro 2:30 Duhurnimo soo dhaweeyey Ciidan iyo laba gaadhi oo nooca gaashaaman ah iyo hal landcruser oo kuwada raaxada ah, kuwaas oo lagala soo goostay kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo .

Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Somaliland General Ismaaciil Maxamed Cismaan “Shaqale” oo isaga oo magaalada Hargeysa ku sugan ka warbixiyey, ayaa sheegay in labada gaadhi ee Tiknikada ah noocoodu kala yihiin GMC (Baabuur qoriga Suggu ku rakiban yahay) iyo Mid Toyoto ah oo qori saaran yahay.

Taliyuhu waxa uu cadeeyay in labada gaadhi ee Tiknikada ah bishii March ee Sannadkan lagala baxsaday Ciidamada Qaranka isla markaana loola galay Cadawga nabad diidka ah, halka gaadhiga Land Cruserka ahna lagu sheegay inuu yahay kii lagu dilay labadii nin ee watay ee laga dhacay Tuulada Gawsa weyne. warku waxa uu intaas ku darayaa in gaadiidkaasi ay ku sugan yihiin fadhiisinka hore ee ciidamada qaranka ee deegaanka Gambadha.

XUQUUQDA SAWIRRADA: Radioxogwaran

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net