Taliyaha Booliska Somaliland oo Sheegay in  67 Askari Ay Sanadkan Oo Kaliyaata Kaga Dhaawacmeen Dhulka Laysku Haysto

 

Hargeysa(SLpost)-Taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in dhaawaca ciidanka booliska ka soo gaadhaya iska horimaadyada dhulka la xidhiidha ay sanadkan kaga dhaawacmeen 67 askari, isaga oo dhulka ku tilmaamay aafo qaran oo waxka qabasho u baahan.

waxa uu taliye Fadal uu ugu horayntii ka warbiyay laba askari oo dhul laba dhinac isku hayeen kaga dhaawacmay “Waxa jiray dhul  kuyaala xaalada galbeedka masalaha oo mudo dheer laysku haystay, dhinacyadii ku muransanaa dhulkaas mid ka mid ah ayaa dhigay Koontiindhar, markaas Koontiindharkii ayaa la soo qaadayay waxa ciidankiii lagala horyimi iska caabin, hakan waxa yaala laba qori iyo banbo, halkaas waxa ka dhacay halgal adag rasaasna waa layswaydaarsaday markaas waxa ciidnaka booliska ku dhaawacmay laba askari.”

taliye fadal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“dhulku waa aafo qaran, had iyo jeer rabshadaha ay dadku ku dhintaan ama ku dhaawacmaan waxa sababa dhul,waxaanan u mahadnaqayaa madaxqeyne jamhuuriyada Somaliland oo arintaas gudi wasiiro ah u saaray, hadaan tusaale idiinku soo qaado sanadkan ayanu ku jirino 67 askari ayaa ku dhaawacmay.”