Taliyaha Booliska Somaliland oo beeniyey warar la faafiyey, Bulshadana digniin u diray

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa been-abuur ku tilmaamay warar lagu sheegay in ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen rag laga shakiyey iyo hub ay siteen, waxaanu digniin u jeediyey dadka caadaystay faafintooda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay War lagu sheegay inuu ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland oo si weyn baraha bulshada u dhexmarayey maanta, kaas oo lagu sheegay in Ciidamadda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland ay 48 saacadood ee la soo dhaafay qabteen 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo lala beegsanayay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo inay sidoo kale qabteen hub iyo walxaha qarxa.

Warkan ayaa lagu faafiyey Page Facebook ah oo ku magacaaban Ciidanka Booliska Somaliland, haseyeeshee, waxa uu taliyuhu xaqiijiyey inuu boggaasi yahay been-abuur, dhowaanna uu bulshada la wadaagi doona ciwaannada saxda ah ee Ciidanka Booliska.

Taliye Dabagale oo khadka telefoonka ugu warramay Weriye Maxamuud Walaaleeye oo jiritaanka arrintan wax ka weydiiyey, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin warkaas oo uu yahay been-abuur, waxaanu bulshada uga digay faafinta wararka malo-awaal ah ee la xidhiidha Ciidanka.

“Bulshada Somaliland waxaan uga digayaa faafinta warar xaqiiqada ka fog oo la xidhiidha Ciidanka Booliiska, mana jiro tacsi Taliyaha Booliisku diray, isla markaana waxaanan u sheegayaa inaan dhowaan la wadaagi doono bogga rasmiga Ciidanka Booliiska JSL oo shirkada Facebook xaqiijisay.” Sidaas ayuu Taliyuhu u sheegay Weriye Maxamuud Walaaleeye.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland