Taliyaha Booliska oo shaqadii ka eryay, kuwo cusub-na u magaacabay Saldhigyada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa shaqada ka fadhiisiyay taliyeyaasha iyo ku-xigeenadooda inta badan saldhigyada magaalada Hargeysa.

Siday tibaaxeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo xalay uu helay Wargeyska Ogaal, Taliyaha Booliska Somaliland, waxa uu shaqada ka fadhiisiyay Taliyeyaasha iyo Ku-xigeenada Saldhigyada magaalada qaarkood. Warku wuxuu sheegay in Qaybta Bari-ga Hargeysa oo ka kooban Saldhigyada New Hargeysa, Sheekh Nuur, Daloodho iyo Maxamuud Haybe lagu hagaajiyay amarka bedelaada taliyeyaasha iyo ku-xigeenadooda oo qoraal ah. Sidoo kalena Qaybta Galbeedka saldhigyada shaqada laga fadhiisiyay taliyeyaasha iyo ku-xigeenadooda waa Saldhigga Dhexe, Saldhigga Iftin iyo Saldhigga Kood-buur.

Siday ilo-wareedyadani sheegeen saraakiisha xilalkoodii waayay, waxa qaar ka mid ah loo magacaabay meelo kale, hase yeeshee, intooda badani waxa lagu wadaa inay noqonayaan xil-sugayaal. Isla markaana saraakiisha cusub ee shaqada ka bedelaya kuwa shaqada laga fadhiisiyay ayuu Taliyaha Boolisku iyagana magaacabay, kuwaasoo magacyadoodu la sheegay inay ku lifaaqan yihiin kuwa xilalkooda laga qaaday.

 Inkasta oo aanu warku kala cadayn, waxay ilo-wareedyadani tibaaxeen in sidoo kale iyagana isbedel lagu samayn doono qaybaha iyo hogaanada Booliska.

Ma jiro war rasmiya oo la xidhiidha arrintan oo ka soo baxay Taliska Booliska, hase ahaatee, mar aanu xalay isku daynay inaanu wax ka waydiino Taliyaha Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, waxa uu si kooban ugu jawaabay, “Taasi waa shaqadayada gaarka noo ah ee maaha shaqadiina.”

Waa markii ugu horaysay ee uu Maxamed Saqadhi Dubad isbedel noocaas oo kale ah ku sameeyo saldhigyada booliska Hargeysa ilaa intii uu xilka hayay.

Somalilandpost08@gmail.com

Somalilandpost08@gmail.com