Taliyaha Booliska oo Guddoomiye Cirro ku eedeeyey Rasaas lagu riday Ciidanka iyo Dhaawac loo geystay Askari Boolis ah

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ku eedeeyey masuuliyadda khasaare ka dhashay iyo rasaas lagu riday Ciidanka Mudaharaadkii saaka ay sameeyeen taageerayaasha Xisbiga Waddani.

Taliye Maxamed Aadan Saqadhi waxa uu sheegay in Ilaaladda gaarka ah ee Guddoomiye Cirro Ridday rasaas lagu furay Ciidanka Booliska halka sidoo kalena ay taageerayaashu dhaawacyo u geysteen Askari ka tirsan Ciidanka.

Taliyaha oo Xafiiskiisa kula hadlay saxaafadda, waxa uu sheegay in Ciidanka Boolisku masuuliyad iska saareen iskana ilaaliyeen inay wax tallaabo qaadaan kaddib markii Guddoomiyaha iyo Taageerayaashiisu xoog ku galeen Xarunta Dhexe ee Xisbiga oo Ciidamo Boolis ahi ku sugnaayeen, kaddib markii ay ka dhego-adaygeen booliska oo is-hortaagay, taasina sababtay inay taageerayaashu jiidhaan ciidanka oo uu sheegay inaanay wax tallaabo ah kaga fal-celin, balse askari ka tirsan ilaalada Guddoomiyuhu rasaas ku riday Taliyaha Qaybta Bariga ee magaalada Hargeysa oo aanay wax khasaare ahi ka soo gaadhin rasaastaas.

Hadalka Taliyaha ka daawo Muuqaalka Hoose