Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag oo Faahfaahiyey Weerar Koox Dabley ku Qaadday Saldhig Boolis

 

Ceerigaabo (SLpost)- Taliska Booliska Gobolka Sanaag, ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar xalay koox Dabley ahi ku qaadday Saldhigga Dhexe ee Booliska ee Magaalada Ceerigaabo.

Kooxda Weerarka geysatay ayaa Abbaaro 1-dii habeenimo ee Xalay Weerartay saldhigga, laakiin waxay iska Caabbin kala kulmeen Ciidammadii Booliska ee halkaa ku sugnaa, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag oo Warbaahinta la hadlay.

Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Aadan Faarax oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Ceerigaabo, waxa uu sheegay inay Dablaydu Rasaas ku rideen Saldhigga, laakiin markii ay u jawaabeen Ciidamadii halkaa ku sugnaa ay baxsadeen, waxaanu intaas ku daray inaanu jirin wax khasaare ah weerarkaas ka dhashay.

Warkan oo Faahfaahsan iyo Hadalka Taliyaha ka daawo Muuqaalka Hoose