Taliska Guud ee Ciidanka Booliska oo u Jawaabay Abwaan Laabsaalax

Hargeysa (SLpost)- Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawl-gallo ay xalay ka fuliyeen magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ku soo qab-qabteen maandooriyeyaal tiro badan iyo dadkii watay oo ay warbaahinta u soo bandhigeen.

Faahfaahinta iyo Warbixinta natiijada ka soo baxday Hawl-gallada Ciidamada Boolisku fulyeen kaddib, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilo uu ciidamada ammaanka u jeediyey Abwaan Xasan Dhuxul (Laab-Saalax) oo hadalkiisu daba-socday hawl-gal ciidamada boolisku ku horjoogsadeen barnaamij bandhig-faneed ah oo fannaaniinta Kooxda Xiddigaha Geesku ku qabsanayeen mid ka mid ah Hoteellada magaalada Hargeysa habeenkii soo galayey sannakda cusub ee Miilaadiga.

Abwaan Laabsaalax oo shalay u warramayey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu ciidammada Booliska ku dhaliilay habacsanaan iyo inaanay inta badan waxba ka qaban ammaanka Caasimadda, sidaas awgeedna ay qalad tahay inay bartilmaameedsadaan fanka iyo Fannaaniinta barnaamijyada madadaallada ah u qabta bulshada.

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE Â