Taliska Booliska oo ka hadlay Askari Badhtamaha Hargeysa ku toogtay laba Askari iyo laba Qof oo Shacab ah

Hargeysa (SLpost)- Askari ka tirsan Booliska Somaliland, ayaa Rasaas uu riday ay ku dhaawacmeen Afar qof oo laba shacab yihiin iyo laba Askari, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen goob-joogayaal goobtaa ku sugnaa.

aDhacdadan ayaa ka dhacday saaka Badhtamaha Suuqa magaalada Hargeysa gaar ahaan Kaalinta Shidalka ee Cajab Horteeda. Rasaasta ayaa Dad goob-joogayaal ahi Aftahannewws u xaqiijiyeen inay si aan badheedh ahayn uga dhacday, isla markaana labada Askariga ee ka midka ah afarta qof ee ku dhaawacmay ka tirsanaa dhawr Askari oo la socday isaga.

Askariga wax toogtay iyo Afar Askari oo kale oo la socday, ayaa la sheegay in gaadhi waddada si khaldan u marayey oo la sheegay in uu waddada xidhay, ayaa Askartaasi waxay doonayeen in ay la hadlaaan si ay oo waddada uga saaran.