Taliska Booliska oo Faahfaahiyey Shixnad Maandooriye ah oo ay Gacanta ku Dhigeen

Taliye Fadal

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Somaliland ee Gobolka Maroodijeex ayaa hawlgal balaadhan oo ay fuliyen ka bacdi waxay gacanta ku dhigeen 900 Liter oo khamri ah oo dalka la soo gelinayey.

Taliye Fadal
Taliye Fadal

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal iimaan oo ay wehelinayeen saraakiisha hogaanada sare ee Booliska ayaa shalay taliska guud ee booliska waxay ku soo bandhigeen khamrigaas, gaadhigii lagu siday iyo labo nin oo ku eedaysan inay khamrigaa tahriibinayeen.
Taliyaha Boolisku waxa uu tilmaamay in goor hore oo subaxnimadii shalay ay ciidanka booliska oo kaashanaya Bulshada somaliland  hawlgal ay fuliyeen gacanta ku soo dhigeen Gaadhi noociisu yahay Zusuki Numberkiisuna yahay 40129, kaasoo siday 30 Jirikaan oo khamri ah oo gadhaya 900 Liter iyo labo eedaysane oo la aaminsan yahay inay wateen khamriga, waxana taliyuhu sheegay in dhowaan la hor gayn doono cadaaladda.

Dhanka kalena Taliye fadal waxuu warbixintiisa ku daray in magaalada caasimadda ah oo keliya todobaadkan lagu qabtay ugu yaraan 55 dhalinyaro ah oo loo aqoonsan yahay inay tuug caadaystayaala yihiin, isagoo bulshadana ugu baaqay inay sii wadaan gacanta ay siinayaan Ciidamada ammaanka.

SOMALILANDPOST.NET