Taliska Booliska Oo Beeniyay In KULMIYE Xilal U Magacaabay Xubno Boolis Ah

(SL.Post) Xisbiga Waddani ayaa xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inuu xubno ka tirsan ciidanka Booliska u magacaabay ololaha xisbiga ee magaalada Hargeysa, iyagoo soo bandhigay magacyo ku jiray xubno uu murashaxa KULMIYE u magacaabay madaxda degmooyinka Hargeysa oo uu Waddani sheegay inay ka tirsanyihiin ciidanka Booliska.

Hase yeeshee  Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa sheegay inaanay jirin cid ka tirsan ciidamada Booliska oo uu KULMIYE magacaabay.  “Ma Jiraan Masuuliyiin Ka Mida Ciidanka Booliska Oo Uu Magacaabay Xisbiga Kulmiye”. ayuu yidhi afhayeenka oo u waramay shabakadda Hadhwanaag, waxaanu intaas raaciyay  “Warkaa aanu ku arkaynay Warbaahinta Qarkood wax ka jiraa ma jiraan waana war aan sal iyo raad toona lahayn anagu waxaanu nahay booliska maana aha in aanu galo siyaasad waxa aanu ka madax banaanahay arimaha siyaasada, sido kale waxa aanu dhex u nahay bulshada iyo siyaasiyiintaba, waxaan mar labaad ku celinayaa arinkaasi in aanay Wax ka jirn.”

 

Somalilandpost.net