Taliska AMISOM oo sheegtay in Dhawaan Ku Wajahanyihiin Magaalada Baraawe Oo Al-shabaab U Ah Taliska Guud Ee Awaamiirta Ka Bixiyaan

Somalia (SLPOST)Taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala ayaa sheegay inay ku wajahanyihiin degmada xeebta ku taala ee Baraawe halkaas oo ah goobta ugu muhiimsan ee ay Al-shabaab gacanta ku heyso,

afyeen

AMISOM ayaa sheegtay in qorshaha ay ku doonayaan inay ku qabsadaan degmada Baraawe uu ahaa mid ay dejiyeen ka hor intii aysan qabsan degmada Qoryooley oo ka mid ah degmooyinka ay Al-shabaab kaga sugneyd gobolka Sh/hoose.

“Hadda waxaan ku wajahannahay degmada Baraawe oo ah goob muhiim ah oo ay ku sugantahay Al-shabaab” ayey yiraahdeen saraakiil ka tirsan AMSIOM oo wareysi siiyey taleefishinka Al-jazeera ee xaruntiisu tahay magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Al-shabaab ayaa deegaano dhowr ah looga qabsaday dagaaladii bilowday bishii la soo dhaafay, waxaana degmooyinkaas ka mid ah, Buulo-burte oo gobolka Hiiraan ka tirsan iyo degmooyinka Xudur iyo Waajid oo ka tirsan Bakool iyo Buur-dhuubo oo iyana ka tirsan gobolka Gedo, sidoo kale maalmo ka hor ayaa Al-shabaab laga qabsaday degmada Ceelbuur oo ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan ee ay ka talinayeen, waxaana marka la isku daro degmooyinka Al-shabaab laga qabsaday ay gaarayaan 10-degmo.

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu dhantahay 22,000 oo askari ayaa waxay haatan ka howlgalaan gobolada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya, iyagoo isku dayaya inay Al-shabaab ka saaraan deegaanada ay ka taliso, balse Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay iska difaaci doonaan wax walba oo weerar ah oo kaga yimaada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee isgarabsanaya

Somalilandpost.net

Hargeysa/somaliland