Talibanka oo ka baxay Xabad-joojintii ay la galeen Pakistan

Pakistaan (SLPOST) Xoogaga Talibanka ee ka dagaalama dalka Pakistaan ayaa sheegay inay ka baxeen xabad joojintii ay la galeen dowlada Pakistaan.

TalibankaPakistan1

Xabad-joojintan oo ku koobneyd 40 maalmood ayey Talibanka sheegeen inay ka baxeen kadib markii ay ciidamada dowlada Pakistaan ay sameeyeen hawlgalo ka dhan ah dagaalyahanada Talibanka.

 

Afhayeenka kooxda Talibanka ayaa sheegay in dhanka kale ay weli sii wadi doonaan wadahadalka u socda dhankooda iyo dhinaca dowlada dhexe ee Pakistaan.

 

Kooxda Talibanka ayaa dhexdeeda si weyn isugu khilaafay xabad-joojinta iyo waliba wadahadalka lagula jiro dowlada Pakistaan, khilaafkaasi oo weliba keenay iska horimaad hubeysan oo u dhaxeeya labo kooxood oo ka wada tirsan Talibanka.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland