Talada-guud Waa Awoodaan Laga Hor-tagi Karin oo Qarsoon; Tabta Shirkii Qorshaha Horumarinta Gobolka Gabile: Qalinkii Ahmed Sh. Nour Dualeh (Ahmed Biito)

Ahmed biitoWaxaynu hiigsanaysaa inay Somaliland noqoto dal xasiloon, dimuqraadiya, barwaaqaysan oo shacabkeedu ku naaloonayaan nolol tayadeedu aad u heer sarayso.

Marka hore waxaan halkan uga mahadnaqayaa Allaha Waynee awooda iska leh ee fursada inoo siiyay inaynu fikirno oo aduunkan aynu ku nool nahay bedelno. Mar labaadka waxaan u mahadnaqayaa dhamaan martidii balaadhnayd ee ka socotay xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ee ay hogaaminaysay marwada qaranku; marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, Wasiiradii, Xildhibaanadii baarlamaanka iyo golaha deegaanka; marti sharaftii faraha badnaa ee nagalasoo qayg galay gunaanadkii shirkii qorshaha horumarinta iyo guud shacabka reer Somaliland gaar ahaan akhristayaasha maqaalkan. Maqaalkan waxaan ku sharaxi doonaa macnaha shir lagaga wada arinsanayay qorshaha horumarinta gobolka Gabiley oo dabayaaqadii todobaadkii hore ku qabsoomay magaalada Gabiley; kaasi oo dad badani siyaabo kala duduwan u macneeysteen. Dadka macnaynayayna badankoodu shirka kamay soo qayb galin ee siday jeclaayeen uunbay u macnaysteen. Markaa anigu waxaan ka mid ahaa dadkii qabanqaabinayay shirkaasi, waxaanan doonayaa inaan iftiimiyo shirku waxa uu daarnaa, ujeedooyinkiisii iyo faa,idooyinka uu u lahaa guud ahaan qaranka gaar ahaan gobolka Gabiley.

Himilada fog ee qaranka jamhuuriyada Somaliland ee ku duugan buuga ay wasaarada qorshaynta qaranku soo saartay ayaa inoo sheegaya in dawladeenu qorshaysay in sanadda 2030-ka aynu hiigsano Somaliland oo ah dal xasiloon, horumarsan, dimuqraadiya, barwaaqaysan oo ay shacabkiisu ku naaloonayaan nolol tayadeedu aad u heer sarayso. Si taasi loo gaadho waxaa laga fikiray in calaamadiyo dariiqii ina gaynayay oo ah qorshaha horumarinta qaranka Jamhuuriyada Somaliland soo jeedinaya in la taago shan tiir oo kala ah: Dawlad Wanaaga; Horumarinta Dhaqaalaha; Daryeelka iyo Ilaalinta Deegaanka; Horumarinta Bulshada iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha. Tiirarkaasi sidii loo taagi lahaa waa mid u wada taala dhamaan dawlad iyo shacaba in la iska kaashado, Shirka Gabiley ka dhacayna wuxuu ahaa mid lagu saxayay qorshaha horumarinta ee gobolka Gabiley oo ku timid kadib markii qaar ka mid ah dhalinyar aqoonyahanka gobolku ogaadeen himilada, hiigsiga iyo mabaadiida wax wada qabsiga ah ee badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) aaminsan yahay isla markaana doonayo in uu gaadhsiiyo gobolka horumar wanaagsan, taasi oo runtii ah mid qof kasta oo ogaaday ku diirsaday soona dhaweeyay.

Hadaad ku guul daraysato inaad qorshe dajisato oo hawlahaagu nidaamsato, markaasaad qorshaysatay inaad guul daraysato. AHUN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa maansadiisii qiimaha badnayd ee dabo-taxan wuxuu kusoo qaatay dhawr bayd oo aan u fahmay inuu ku sharaxayay qorshaha wanaagsan; waxaana ka mid ahaa.

Nin dariiq xarriiqdaa

Garan kara dayowdee

Dhidarkii ku kacay danab

Doc kastaaba waw toos.

 

Nin dhegaa dabooshoo

Indhaa duubtay maqal iyo

Ma dareemo muuqaal.

 

Nin wax diiday oon wadin

Wax kaluu ka door biday

Wuxuu doonayaan jirin.

 

Shirka Qorshaha Horumarinta Gobolka Gabiley (SQHGG) wuxuu ahaa mid lagu saxayay, buuga qorshaha gaarka ah ee gobolka ay u dajisay wasaarada qorshaynta qaranku; kaasi oo intii uu socday wixii kasoo baxay doodihii iyo lafo-gurkii lagu sameeyay oo isla qaatay in laga saaro barnaamijyadii xukuumadu fulisay isla markaana lagu darri doono baahiyaha hadda taagan; iyadoo loo kala horumarin doono sida ay u kala muhiimsan yihiin; iyo barnaamijyada ugu muhiimsan ee wakhti xaadirkan loo baahan yahay in wax laga qabto si loogu ban dhigo xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), si ay wixii taagtooda ah wax uga fuliyaan.

Anigoo ka mid ahaa gudidii qabanqaabada ee shirka waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay, gudida qabanqaabada iyo ergooyinka shirkaba, ku jirin cid waday wax kasoo horjeeda qorshaha horumarinta xukuumada iyo himilada fog ee qaranka u qorshaysan; ee dhamaan ergooyinka, gudida qabanqaabada, badhasaabka iyo maayarada degmooyinkuba ka mid ahaayeen dadka reer Somaliland ee jecel horumarka iyo mabaadiida iskaashiga iyo wax wada qabsiga. Waxaan maqaalkan ku xoojinayaa in sidii shirkaasi xukuumad iyo shacaba looga wada qaybqaato oo la iska kaashado dhismaha habka iyo hanaanka dawlad wanaaga. waxaan u arkayay waftigii balaadhnaa ee kasoo qaybgalay xafladii lagu gunaanadayay shirku ay muujinayso sida xukuumadu diyaar ugu tahay inay dhagaysato oo la wadaagto dajinta qorshayaasha, taasi oo keenaysa in bulshaduna la wadaagto fulinta iyo daryeelka danbe ee hantida qaranka.

Waxaa aad iisoo jiitay oo aan ku diirsaday waftigii qiimaha badnaa ee ay hogaaminaysay marwada qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo soo dhaweeyay in la wada tashado, wax la wada qabsado iyo arintaasi oo ahayd mid ugub ku ah Somaliland, fikirkeeduna ka yimid badhasaabka gobolka Gabiley. Waxaanan aaminsanahay haddii la joogteeyo oo fikirkan la gaadhsiiyo gobolada kale ee dalka ay dibada usoo saari doonto awood badan oo ku kaydsan shacabka, taasi oo ka shaqaysiin doonta khayraadka kooban ee xukuumadu maamusho. Waxaan aad ugu diirsaday shakhsiyan inay meesha ka baxday qorshe xukuumadu dusha kaga keento bulshada oo hadda ay markhaati u tahay in baahiyihii ka imanayaa xagga bulshada oo laga qaybqaadanayo qorshe dajintii iyo dabo-galkii fulinta qorshahaasiba; taasi oo dhiiri galinaysa sidoo kalena kobcinaysa inay bulshadu qaybteeda ka gaysato barnaamij kasta oo la fulinayo. Talo-wadaagaasina waxay horseedi doontaa horumar loo dhan yahay oo wadanka ka hirgala, waxaana dadku ogaanayaan in dawladu iyaga u shaqayso, waxaanay meesha ka saaraysaa shakigii ku kala dhex jiray bulshada iyo maamulkooda.

Hawlaha iyo shaqooyinka badan ee ay hayaan haayadaha qaranku waxaa suurto gal ah inay haleeli waayaan toosinta khaladaad yaryar oo farsamo kuwaasi oo dadka aqoonta leh ee banaanka joogaa arkaan; waxaan soo jeedin lahaa haddii shirarka qorshaynta ee haayadaha dawladu sidan oo kale uga qaybgaliyaan aqoonyahanka inay ku kordhin karaan sida loo toosinayo farsamadii qaloocatay, taasina waxay inoo horseedi kartaa horumar la taaban karo oo wakhti dhaw la gaadho. Waxaan isleeyahay aqoonyahanku waa u diyaar inay aqoon iyo kartiba diyaar ula yihiin inay kaga qaybqaataan, diyaarna u yihiin ee maamulada fulinta ee xukuumadana looga baahan yahay inay ugu baaqaan wax-wada qabsiga iyo iskaashiga sidaa badhasaabka dhalinyarta ah ee gobolka Gabiley ugu dhiiraday inuu baaq gaadhsiiyo aqoonyahanka ee ay usoo dhaweeyeen intii badnayndna iyagu wadeen; taasi oo aan madaxwaynaha Somaliland uga mahad celinayo in badhasaabka Gabiley Mustafa Shiine qayb wayn ka yahay celinta abaalkii balaadhnaa ee aad Gabiley u gashay, waxaana ka go,an in uu ka hawl-galo sidii loo xaqiijin lahaa himilada fog ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Farqiga aragtiyeed ee soo kala dhex gala bulshada iyo haayadaha fulinta ee dawlada ayaa inta badan ka yimaada dhinacyada ay kala joogaan; oo masuulka dawladu wuxuu dhex joogaa haayadii fulineed oo wuxuu arkayaa talaabooyinkii uu qaaday iyo halka uu gaadhay; halka ka shacabka ah ee banaanka joogaana uu arkayo hawl kastoo la qabto siduu jeclaa in loo qabto ee wanaagsanayd iyo waxa uu isleeyahay way ka qaloocdeen oo uu aaminsan yahay haddii, sida uu maskaxda ku hayo ama uu farsamo ahaan doorbidayo, loo qaban lahaa in la gaadhi lahaa meel halkaasi ka saraysa. Waxaanan aaminsanahay in hadday iskaashadaan oo sida shirkan horumarinta gobolka ee badhasaabku isku keenay dhalinyartii aqoonta farsamo u lahayd dajinta qorshayaasha la gaadhi doono meesha inoo calaamadsan in la gaadho mustaqbalka iyo meel kasii saraysa.

Dadka u fahmay in shirkan cid gaar ahi wadatay waxaan halkan uga caddaynayaa in shirkaasi ahaa mid aqoonyahanka reer Gabiley oo aan abtirsiin noocay doontaba ha lahaatee kala sidan iyo maamulka gobolka iyo degmada Gabiley ka wada shaqaynayeen sidii la iskugu keeni lahaa dadka reer Gabiley ee horumarka jecel isla markaana ugu tabaruci lahaayeen aqoontooda farsamo sidii loo soo saari lahaa qorshe ku salaysan baahiyaha dhabta ah ee bulshadu qabaan looguna badali lahaa mashaariic qoran oo xukuumada dalka ka talisa looga codsado inay u fuliso sidii ay horeba u fulin jireen.

Guntii iyo gabogabadii maqaalkaygan kooban waxaan aaminsanahay in talada-guud ee bulshada iyo dawladoodu soo wada saaraan ay tahay awood horumarineed oo qarsoon; taasi oo aanay cidna hor istaagi Karin. Waxaana tijyaabo cad u ah qorshaha horumarinta gobolka Gabiley ee la iskugu tagay maamul iyo shacaba kaasi oo labada dhinac siinaya dhiirigalin iyo kalsooni buuxda in hadday shacabku baahiyohooda oo ay si nidaamsan usoo qoreen u ban dhigaan, xukuumaduna ay fulin doonto, halkaasi uu ka abuurmi doono iskaashi horumarineed oo quwad leh.

Wabilaahi Tawfiiq.

Ahmed Sh. Nour Dualeh (Ahmed Biito)

ahmadbiito@gmail.com

Gabiley Somaliland.