Tahriibayaasha Giriiga Jooga Oo Si Aan Kala Hadhlayan Loogu Celinaayo Turkiga iyo Danaha Uu Dhaafsaday Turkigu

EU(Slpost)-Kulan labo maalmood socday ayaa aaqirkii lagu heshiiyey in dib loo celiyo qaxootiga Giriiga jooga

Midowga Yurub iyo dowladda Turkiga ayaa ku heshiiyey in si wadajir ah loo wada shaqeeyo,Qaxootiga ku sugan dalka Giriiga ee markoodii hore ka tagay Turkiga ayaa hada Turkiga lagu celinayaa.Qaxootiga looma eegayo dalalka ay u dhasheen oo si aan kala sooc ahayn ayaa loo celinayaa.

Qaxoonti

heshiiskan waxaa sidoo kale ka mid ah in midowga Yurub uu ilaaliyo xeebaha Turkiga,Turkiga isagana waxuu doonayaa inuu galo oo uu ka mid noqdo golaha midowga Yurub