Tacsiyo Ku Socda Shacbiga & Dawladda Jabuuti, Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka Baxay Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyaha Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee JSL Cumar Yuusuf Buux, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee JSL Cabdillaahi Xasan Aadan iyo Dhamaan Saraakiisha Baanka dhexe ee JSL, waxay tacsi u dirayaan Qaranka iyo shacabka Jabuuti Oo ay ka tacsiyadanayaan Guddoomiyihii Baanka Dhexe Maxamuud Jaamac Maxamuud Xayd oo xalay lagu aasay magaalada Jabuuti. Waxay Marxuumka Illaahay uga baryeyaan inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Ka siiyo. Aamiin………….Aamiin……………..Aamiin

 ———————–

 Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Gudoomiye ku-Xigeenka 1aad Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada  Cali Yuusuf Axmed,  Xoghayaha Guud ee  Golaha Wakiilada  Cabdirisaaq Siciid Ayaanle iyo dhamman Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland,   Waxaa  tacsi tiiraanya badan u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Dhammaan Shacabka iyo Dawladda Dalka Jabuuti uu ka baxay Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Jabbuuti oo ku geeriyooday Dalka Kiiniya 11/01/2013. Alle ha u naxariisto, Samir iyo Iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo Qoyska, Qaraabada iyo Dhammaan Shacabka Somalida, gaar ahaan Shacabka reer Jabuuti, Marxuumkana Eebbaheen jannadi Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo.

Aamiin…………………………………………Aamiin…………………………………………Aamiin

————————

Ahmed Sandoon Xasan iyo xaaskiisa Foosiya Cabdilaahi Xirsi iyo caruurtooda waxay tacsi uu dirayaan reer Maxamuud Xayd iyo asxaabtooda, qaraabadooda oo ay ka tacsiyadaynayaan geeridii ku timi Marxuum JAMAC MAXAMUUD XAYD. Waxa Illaahay  uga baryeyaan inuu naxariistii jano ha ka waraabiyo marxuumka, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyoo.

Aamiin…………………………………………Aamiin…………………………………………Aamiin

 

——————————–

 Maxamed Odowaa Cigaal, Axmed Sandoon Xasan, Axmed Aw-Yuusuf Xasan, Maxamed Ismacil Xuseen (Mas-Mas), Maxamed Ahmed Ismaciil (Ceerigaabo), Ahmed Xasan Cumar (Sheef), Ibraahiim Nuur Garow, Axmed Cali Dable, Xasan Ibraahim Cabdilahi, Maxamed Faahiye Xuseen, Jamac Xuseen Mas-mas, Idiris Axmed Maxamud, Cabdilaahi Abokor, Cabdi Cabdilaahi Axmed, Xuseen Cumar Yuusuf.

Dhammaan dadkaasi waxa ay tacsi uu dirayaan eheladii  iyo  qaraabadii uu ka baxay marxuum JAAMAC MAXAMUUD XAYD  oo ku geeriyooday magalada NAIROBI. Illahay naxariistii jano haka waraabiyo ehelkii uu kabaxayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Aamiin………………………………………………….Aamiin…………………………………………Aamiin