TACSI TIIRAANYO LEH oo ku Socota Qoyskii, Qaraabadii iyo Bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Xoghayihii Guud ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax

tacsiTifaftiraha Guud Warbaabhinta SL Media Inc. iyo Himilo Media Group, Khadar Iid Kaariye, Liibaan Xaaji Fagadhe, Mustafe Cabdi Aadan, Siciid Nuur Jaamac, Cabdiwahaab Xasan Guuleed, Guuleed Cumare iyo Dhammaan hawl-wadeennada SL Media Inc, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Xasan oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaanu si gaar ah tacsi u gaadhsiinaynaa Bahda Wargeyska Saxafi oo uu ka tirsanaa Marxuum.
Waxa aanu Marxuumka Eebbe uga baryeynaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, Samir iyo IImaan ka siiyo Ehelkii, Qaraabadii iyo Bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay,

INNAALLILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.