Tacsi Tiiraanyo Leh: Marxuumad Amran Sheekh Cali oo Hargeysa ku geeriyootay

tacsiMaamulka, Tifaftireyaasha iyo Weriyeyaasha Shabakadda Somalilandpost, waxa ay halkan Tacsi Tiiraanyo leh uga Dirayaan Qoyska Ilma Cabdi Axmed oo Hooyadood Marxuum Amran Sheekh Cali xalay ku geeriyootay maantana lagu aasay Magaalada Hargeysa, waxaanu tacsidan si gaar ah ugu diraynaa Guddoomiyaha Warbaahinta Himilo Media Group Madar Cabdi Axmed oo ay Marxuumaddu Hooyadii ahayd.

Waxaanu Marxuumadda Eebbe Uga baryeynaa Jannadii Farowsa inuu ka waraabiyo, dhammaan Ehelkii, qaraabadii iyo Qoyskii ay Marxuumaddu ka baxday Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin……….Aamiin………….AamiinÂ