Tacsi: Marxuum Maxamed Xuseen Caabi

ALLe ha U Naxariistee waxa abaaro lixdii subaxnimo ee maanta 4/01/2012 ku   geeriyooday magaalada London U.K Maxuum Maxamed Xuseen Caabi oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Isbitaalka Hargeysa.

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa Xaaska Marxuumka Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo inantiisa Deeqa, ehelka, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba.
Waxaan kale oon tacsida u dirayaa Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Guud, hawl-wadeenadii SNM, Xukuumadda iyo Shacbiweynaha Somaliland.

Marxuumku wuxu ka mid ahaa aqoonyahanka reer Somaliland ee qurbaha wax barasho u baxda kuwii ugu horeeyey, isagoo lixdanaadkii ka mid noqday saraakiisha boliska deedna u wareegay dhanka dibloomaasiyadda iyo wasaaradda arrimaha debedda oo uu ka gaadhay Qusulka Somalida u fadhiyey Geneve.

Allaha U naxariistee Marxum Maxamed Xuseen Caabi waxaan la iloobeyn kaalintii uu ku lahaa halgankii SNM isagoo ahaa maamulaha xafiiska SNM ee London, qoraa aan ka nasan fidinta warka iyo barnaamajka SNM. Waxuu ahaa nin aad uga hawlgalay damista khilaafaadkii siyaasi ee halganka. Waxuu ahaa beel-daajiye nabaddoon ah, kuna dagaalama danta guud een hoos u eegin dan gaar ah iyo dheef maalmeed, naftii hure samafale ah oo jecel taakulinta miskiinka iyo danyarta.

Maxamed waxuu ahaa nin af-gaaban, bulshaawi dad jecel oo kaftan qabow oo hufan lagu xusuusto, nin aan yar iyo weyn cidna xanjiimeyn, ee qalbi furan iyo kalgacal ku qaabila ehel iyo asxaaba.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed waxuu xanuunka uu u dhintay haleeley isagoo gudanaaya xajka kal hor ilaa maantana uu u jiifay. Ehlo kheyr khaatumo wacan oo cabsida Alle aan ka il duufin ayuu ahaa ee waxaan Alle u baryayaa inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardows, inagana dhammaan haynaga yeelo kuwa laasimno duco iyo samir.Amiin.

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyha Madaxweynha Somaliland
Arrimaha Dhaqaalha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

samotalis@gmail.com