Tacsi: Marxuum Aadan Maxamed Mire Waqaf

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, ka reer Cabdi Carwo waxaan tacsi u dirayaa Xaaska , ehelka, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba.
Waxaan kale oon tacsida u dirayaa Reer Soomaliland guud ahaan iyo axsaabta siiyaasadda ee uu magaca weyn ku lahaa.
Marxuumku wuxu ka mid ahaa rag saaxadda siyaasadda magac ku lahaa oo si habboon oo asluub leh uga dhex muuqday tan iyo bilowgii dimuquraadiyada Soomaliland.. Marxuum Aadan Waqaf waxuu soo qabtay xilal badan ilaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Guddoomiye xigeenka xisbiga UCID.
Allaha U naxariistee Marxum Aadan Maxamed Mire Waqaf, waxuu ahaa nin Alle cabsi iyo af-gaabni ku caan baxay.

Waxaan Alle u baryayaa inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardows, inagana dhammaan haynaga yeelo kuwa laasimno duco iyo samir.Amiin.Aan xusuusano geerida oo aynu u sahay qaadano lama huraanka iyo gurigaan laga goboobayn, lagana xanuunsanayn.

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyha Madaxweynha Somaliland
Arrimaha Dhaqaalha, Ganacsiga iyo Maalgashiga