TACSI ku socota Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal iyo Qoyska Ilma Faarax Jaamabiir

tacsiCabdirashiid Ibraahim, Khadar Iid Kaariye, Madar Cabdi Axmed, Xasan Axmed Abokor, Caydaruus Sheekh Cumar Geeddi, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Mustafe Maxamed Magan, Maxamuud Cali Maxamed, Cismaan Axmed Cismaan, Axmed Cumar Axmed, Axmed Cumar Caddaani, Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

Dhammaan dadkani waxa ay tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii ay baxday Marxuumad Leyla Faarax Jaambiir oo maanta ku geeriyootay magaalada Hargeysa, waxa ay tacsidan si gaar ah u gaadhsiinayaan Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa –bannaan ee Ogaal oo ay marxuumadda wada-dhasheen. Waxa ay Eebbe uga baryayaan marxuumadda naxariistiisii Janno inuu ugu deeqo, dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo qoyskii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin………….Aamiin……………..Aamiin