Tabtii Dugsiiye Sheeko-faneed

Dugsiiye, wiil buu ahaa waa-hore dhashay,wanna loo qalay. Waalidkiisuna soo barbaarsheen. Waadiyada cilmigana mid lagu daray. Waagii beryana waano iyo wacdi midna ma waayi jirin. Walaaladii isaga ayaa u weynaa waana sababta looga fadhiyay mustaqbal wanaagsan.

Hooyadii Maryan iyo iyo aabbihii Muuse, aad ayay u jeclaayeen. Ubad Eebbe siiyo kii ugu horeeyay. Isla markaasna been uga dhigay ma-dhalaysnimo, runna ugu hiiliyay taran xalaal iyo xurmo ku yimid, waxay ku abuurtay kalgacal aan xadlahayn iyo xiiso aan go’ayn. Kaasoo ay u qabaan curadkooga Rabbi ku casuumay. Tan iyo maalintii uu dhashay waxay heegan ugu jireen horumarkiisa. Si la mid ahna ama ka hoosaysana waxay u ahaayeen shanta ubada ee ay dabadii dhaleen oo saddex inamo yihiin, labana gabdho yihiin.

Soo kor, soona dhaaf kambalkii reerkooda. Kuraynimana u soo gudub. Saaxiibo yeelay oo sakadaha soo fadhiisay. Waa nin iyo nasiibkii. Goobta iyo goortuba waa kuwo masuul ka ah kala duwanaanshaha ilma bani Aadam noloshooda. Goobtu waa Hargeysa. Labaatan sanno kadib, ku dhawaaqida qaranimada Somaliland. Si baaxad leh, waxa jiray is baddalo dhaqan –dhaqaale oo saameeyay bulshada noocyadeeda kala duwan. Si toos ah, waxa u bilowday mowjado hab dhaqan oo kala duwan, kuwaasoo sida shookaanta u agaasimay hor u socodka nolosha Dugsiiye. Markii uu isu-dhiibay dhaadid la’aan dhacdooyinka dhinaciisa ka dhacaya.

Aafooyin qaran dumiseed kana bilowday qof dulliyeed ayay ahaayeen kuwii noloshiisa nooca kale ka dhigay. Qaad, qabyaalad iyo qurbo-jacayl ayaa mar kaliya wada galay. Haa, si is-daba jooga ayay u halleeleen. Si aan kas ahayn, malaha kaftan uu ka dhigayay ayuu qaadka cunidiisa ku halqabsaday muddo dhowr cisho ah. Maalmo kadibna, miyaad eegtid oo raga la fadhiisatid ayuu isku qanciyay. Fadhiisay , xagaasna ka bilaabantay noloshiisii mirqaanka ahayd ee waalida u dhowayd, miyir-qabkana ka fogayd. Waayo, marxaladan markuu galo dadka isagaa u sareeyay uguna awood badnaa. Wax kasta oo maankiisa ku soo dhaca waa ruux qaban karay. Su’aal kasta oo la waydiiyana, waa ruux ka jawaabi karayay . Kaba darane, muu qiyaasi karayn dareenkiisa farxadeed halka uu gaadhsiisan yahay. Istaahil iyo istareex aan dhamaanayn ayuu ku jiray, taasoo ilowsiisay masuuliyado badan oo waajib ku ah. Waajibaad rabbi iyo reernimo ayaa ka kow ahayd kuwaa uu dafiray kana ag wareegi waayay.

Hadduu cunayo oo in kooban cunayo, waqti kooban cunayo, meelo kooban ku cunayo, maba xumaateen. Laakiin, taa lidkeeda ayuu dhaqankiisu ahaa. Inta ugu badan ee la cuno, waqtiga ugu badan ee ku baxa . Meelaha ugu badan ee la fadhiisto ayay gayaysiiyay markuu bartay cilmiga qabyaalada la yidhaa. Mucalimiin ku gaamuratay ayuu ka helay majlisyada kala duwan ee uu tagi jiray.

Gobonimada reerkooda, geesinimada reerkooda iyo gobayada reerkooda ayaa ah casharada koowaad ee uu markii ugu horaysay qaatay. Ceebaha reeraha kale iyo ceeb la’aanta kuwooda, xaq la’aanta reeraha kale iyo xaq kuwoodu leeyihiin ayuu mararkii danbena ku celcelin jiray. Aakhirkiina, magaca reerka inuu dusha maro, kuna maro dhinaca siyaasada ayaa hammi iyo han ba u ahayd

Hogaan in uu noqdo ruux haybtiisa ku abtirsada, sax iyo khalad, aqoon iyo aqoon darro, daacad iyo khaa’in, kii uu doono ha ahaadee isaga agtiisa waa ka taageero iyo taakulayn, waa u garab iyo gaashaan. U ololeynta, tabaabushaynta, isku duba ridka musharax kasta oo magaca reerkooda ku magacaabana, heer sare ayuu ka gaadhay.

 Sidaas oo ay tahay, marar badan ayuu ku fakiray in markiisana la saaro salaanka siyaasada, balse, qurbaawi iyo qaar wadanka hore u joogay ayuu meel uu ka maro waayay. Ka fikirka qurbaha ayaana waqtiyadii danbe noqday mid maankiisa mashquuliya. Mas’uuliyada hoos u dhaca ku yimid jacaylkii uu qabay wadanka iyo waxbarashadiisa dusha waxa laga saari karayay jacaylka uu dibada u qabo. Aaminaadii, kalsoonidii iyo rabitaankii uu u hayay calanka iyo ciida ayuuna intii danbe iska waayay,. Taas oo dhaxal siisay in wax kastoo wadanka yaalay u noqdaan wax ba kama jiraan qiimo aan ugu fadhiyin.

Aabihii Muuse wuu ogaa inuu Dugsiiye beryahaa waxbarashadii ka gaabiyay, dhowr jeer oo uu shaqo geeyayna balwad awgeed shaqadii looga eryay. Waanu la socdaa in uu qalbigii uu qurbaawi ka noqday. Kolkaa dadaal ayuu ugu jiray sidii inankiisu dibadda ugu bixi lahaa. Maalin ayuu u yeedhay kuna yidhi: ” Wiilkaygiiyow aabbo, waanigaa ku soo koriyay waxkasta oo aad iiga baahatana ku siiyay, waxbarasho ayaan ku daray, adigaa se ka gaabiyay oo maad dhamaysan. Waan ku shaqo geeyay balse midkastoon kuu soo helo kumaad adkaysan oo balwad awgeed ayaa lagaaga soo eryay markaad ka seexatay. Wiilkaygow ruux balwad lihi waa ruux baylahsan, waxba ma dhisan karo. Markaa waxaan jecellahay inaan dibadda kuu diro oo walaashaydii yurubta joogtay ku qaado oo aad soo noqoto adigoo ka soo dhaartay waxay balwadi nooc leedahay, sidaas isku diyaari aabbo”

Tiro kow ka badan ayuu isku dayay inuu helo ogolaanshaha dal shisheeye lagu galo (fiisaha) balse muu helin. Muddo ayaa ka soo wareegtay, waqtiguna wuu socday. Saaxiibadii la tashay oo talada weydii. Iyaguna qorshe u diyaari uu ku tago meeshuu hiigsanayo. Qaabkan ay u hayaani waa qaab sharci darro ah, mar haddii habkii sharcigu ku adkaaday. “Dhimo ama dheef” ayay ku yidhaahdeen. Habkani waa qaab is-miidaamin ah taasoo badweynta la jibaaxayo loona yaqaano ‘Tahriib’. Timirtii horeba dab loo waa, dhibaato kale ayuu dhexda u galay. Midiba mid kaley madaxa u galisay.

Dugsiiye wuxuu niyeystaa isagoo qurbaawiya oo ka soo degay diyaarad. Sidoo kalena jeebjabku u buuxaan,. Soona raacay baabuur cad oo kalba daaqadaha kor iyo hoos u celinaya iyagoo dadkoo dhami daawanaayaan. Runbaa riyo ka roon, runtu waxay tahay inuu waqtigaa uu fadhiyay kaabad lagu faalleeyo inta baxday ee badda gashay, inta badbaaday ee lacagta soo dirta iyo inta badweyntu liqday ee laga samray. Sidoo kale, waxa lagu soo bandhigaa sawirada ay soo galaan tirada gudubtay iyagoo meelo qurxoon oo dhididkoodu aanu dhisan isku soo sawira.  

La kulan mukhalaskii xaafadooda qaabilsanaa oo u sheeg inay hooyadii nooshahay aabihiina hal jago magaalada ku leeyahay. Maalintii bixida isagoo suuq dhex jooga ayaa lala soo hadlay laguna yidhi:” waa la baxayaa”. Isagoon dhinacba eegin ayuu isa soo daayay oo yimid bartii kulanka. La dhaqaaji oo la tag bankii Sudan ee kulaylka iyo kadeedka badnaa. Way socdaan ulna waa lala daba joogay sidii xoolaha la raacayo. Ma hablihiinii baa balanbalaya? Maxaa kuwii cuslaa looga tagay? Ayuu is weydiiyay. Cunto uu hagaag u cuno, tii xaafadoodaa ugu danbaysay oo haatan koob bigays ah iyo jab roodhiya, ayuu labadii caano-maal uu cunaa.

Reerkoodii warku gaadh oo la soo hadal, kuna yidhi : ” waan dhaqaajiyay ee ii soo duceeya, waxaanan joogaa Sudan, baahida haatana waa lacag dhan $ 5,000 oo laygu soo waday iyo $ 2,000 oo badda aan kaga talaabo, haddii aydaan hadda ii soo dirina waa ley dilayaa oo xubnahaygaa mid mid loo iibsanayaa ” ayuu ku calaacalay isagoo oohin maqashiinaya kuwo ag joogayna la garaacayo .

Islaantii hooyadii way isku dhex yaacday. Odeygii aabihiina madaxaa weynaaday. Tallaa ku cadaatay. Masiibo noocyo badanaa!. May fileyn in inankooda curad banka Sudan ka soo cabaadi doono waxna ayna u qaban karin kaliya inay lacago ku furtaan mooyaane. Isla markiiba hooyadii dahabkeedii dhulkay dhigtay , aabihiina tolkii ku orod oo kolba dhinac u orod. Xoolo dirqi lama waayee, jagadii, dahabkii iyo xoogaa ammaah iyo deeq isugu jirta ayaa loo diray oo intuu codsaday ah . Nasiib darradu se waxay timid markii la xaqiiqsaday in doonnidoodii ciddiba aanay ka bixin oo badweyntii liqday isaga iyo intii la saarnayd. Sidaas ayayna isku soo xidhay noloshii Dugsiiye oo uu da’da 25 jirka ka marayay.

Ku mashquulka jilibyada reerahooda, jaadkii uu joojin kari waayay iyo jibaaxii badweyntu ee caqli xumadu keentay waxay noqdeen kuwo sabab u noqday inay soo gaabato noloshii Dugsiiye. Curad kaliya se reerka kama dhiman balse, dhibaatada ugu weyni waxay timid markii la xaqiiqsaday inay walaaladii saf ugu jiraan inay sameeyaan tabtii Dugsiiye iyagoo rumaysan in ay badda ka baadi karaan!.

W.Q: Bashiir Idiris Aw-Ali.