Tabobare Pallegrini Muxuu ka yidhi Guul-darradii uu Mourinho kala kulmay?

Tabobaraha kooxda Manchester City, Manuel Pellegrini ayaa ka hadlay guul-darradii soo gaadhay habeen hore kooxdiisa kadib markii kooxda macalin Mourinho ay 0-1 ku garaacday ciyaar ka dhacday garoonka Man City ee Etihad Stadium.

Tabobare Pellegrini waxa uu sheegay inay kooxdiisa saamayn ku yeelatay dhaawac yada hadheeyay isagoo si gooniya u tabay laacibka reer Brazil ee khadka dhexe uga ciyaara ee Fernandinho.

Pellegrini“Wuxuu noo ahaa kulan muhiim ah halka Chelsea uu u ahaa kulan kala bax ah, sidaas oo ay tahay wali waxaan ku jirnaa booska ka danbeeya Arsenal iyagoo naga koreeya 2 dhibcood,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Waxaan la ciyaarnay kooxda ugu adag kooxaha nala tartamaya, waxay dhaliyeen gool qurxoon bilowga ciyaarta kadibna waxaan isku daynay inaan soo bar barayno dhawr fursadood oo aan helnay taas oo noo fududayn lahayd inaan bar barayno ciyaarta,” ayuu yidhi, waxaan intaas raaciyey, “Waxay heleen saddex fursadood oo kale, ciyaartuna waxay ahayd mid isku dheelitiran, Chelsea waxay ciyaartay ciyaar wanaagsan, anaguna waxaan hada isku dayi doonaa inaan ku soo laabano waddadii saxnayd.”

Tabobare Pallegrini waxa uu guul-darrada kooxdiisa sabab u dhigay dhaawacyo soo gaadhay xiddigihiisa qaarkood, waxaanu yidhi, “Waxaa naga maqnaa ciyaartoy dhawr ah, maqnaashaha ciyaartoydaas ayaa dhib ku noqotay inaan sii wadno bandhigayaga gaar ahaan maqnaashaha Fernandinho oo khasaare weyn nagu ahaa.”