Tabobaraha Mo Farah oo eedo hor leh loo soo jeediyey

UK(SLPOST) Warbixin sir ah oo la helay ayaa tibaaxday in tabobaraha Maraykanka ah ee lalya xiddiga ciyaaraha Olombikada, Mo Farah, ay suurto gal tahay inuu jabiyey xeerarka mamnuucaya adeegsiga dawooyinka kordhiya adkaysiga jidhka aadanaha. Alberto Salazar ayaa baadhitaan lagu hayey tan iyo intii barnaamijka BBC Panorama soo bandhigay eedo ah in ay jireen cadaymo muujinayey in xarun wuu ciyaartoyga ku tabobari jiray oo ku taal Maraykanka lagu isticmaali jiray dawooyinka noocaas ah.

Wargeyska Sunday Times oo gacanta ku dhigay qoraal si sir ah looga helay wakaaladda Maraykanka ee ka hortagga adeegsiga dawooyinka kordhiya adkaysiga jidhka ee la yidhaa USADA, kaas oo ku taariikhaysan Maarij 2016-kii ayaa tibaaxay eedahan cusub ee haatan soo baxay.

Salazar iyo ciyaartooyga Ingiriiska ah ee Mo Farah labaduba way beeniyeen in ay ku xad gudbeen xeerarka ka hortagga dawooyinka adkaysiga jidhka kordhiya.

Warbixintan wargeysku kelay waxa kale oo ay ku eedaysay Salazar oo mar ahaa madaxa tabobarayaasha mashruuca dunida ka caanka ah ee ay maal geliso shirkada qalabka ciyaaraha soo saarta ee Nike ee la yidhaa Nike Oregon Project (NOP), in uu Farah iyo ciyaartoy kaleba siiyey dawooyin sharcigu aanu xaaraantimaynayn balse saamayn xun ku yeelan kara caafimaadka ciyaartoyga hadii aanay jirin sabab caafimaad oo dhakhtarro xaqiijiyeen oo kallifaysa in qofku qaato dawooyinkaa.