Tabobar Aqoontooda kor loogu qaadayo Saraakiisha Dambi-baadhista Saldhigyada oo ka furmay Taliska Guud ee Booliska

Hageysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa aqoon isweydaarsi uga furay xarunta taliska guud ee booliska ee caasimada Hargaysa 33 xubnood oo ka mid ah Saraakiisha baadhista denbiyada ee  ka hawl-gala Saldhigyada booliska.

Tababarkan oo socon doona mudo 45 maalmood ah,waxaa lagu baran doonaa farsamada baadhista denbiyada,xeerka ciqaabta guud,iyo guud ahaan xeerarka kala duwan ee dalka lagaga dhaqmo ee khuseeya hawlaha ciidanka.

Hogaanka tababarada ee ciidanka booliska oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in fikirka tababarkan uu iska lahaa taliyaha ciidanka booliska isla markaana uu u xil saaray fulintiisa.

Jaamac Xariir Yuusuf oo ka mid ah macalimiinta casharada bixinaya ayaa ka waramay ahmiyada uu tababarkani ku fadhiyo iyo waxyaabaha lagu baran doono mudada uu socdo,isagoo tilmaamay inay kor u qaadi doonaan sumcada boolisku ku dhex leeyahay bulshadiisa waxaa kale oo macalinkani hoosta ka xariiqay in hawsha baadhayaashu tahay albaabkii ugu horeeyay ee laga galo kiisaska soo mara ciidanka booliska ka hor inta aanay u gudbin maxkamadaha.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland C.laahi Fadal Iimaan ayaa dhiniciisa ka sheegay in baahi weyn loo qabo tayaynta aqoonta saraakiisha baadhista denbiyada ee ciidanka booliska,waxa uu taliyuhu xusay in cadaaladu ay ka bilaabanto OB-ga oo ah xafiiska baadhista kiisaska soo gala saldhigyada iyo rugaha booliska,taas darteedna baadhayaasha looga fadhiyo baadhis tayo leh oo cadaalad ku qotoma,si ay ummadu kalsooni ugu qabto ayuu yidhi ciidanka booliska.

Waxa uu gabo gabadii taliyuhu ku dhiirigaliyay Saraakiisha Ciidanka Booliska ee tababarkan ka qayb qaadanayaa in mudada 45ka cisho ah ee uu socdo ay ka faa’iidaystaan aqoonta la siinayo kuna dabaqaan hawlaha shaqo ee ay ummada u hayaan.

Maxamed Cabdi Aadan (indho)

Indho145@hotmail.com

SLpost News Desk