Tabashooyin ka dhashay Saami-qaybsiga Beelaha ee Xukuumadda Cabdiweli Gaas oo Abuurtay Duufaanno Siyaasadeed oo Mucaaradad ka abuuray Puntland

Garowe (SLpost)- Madaxweynaha cusub ee maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo todobaad uun laga yar markii uu xilka la wareegay, ayaa durba maamulkiisu la kowsaday duufaanno mucaaradeed oo kaga furmay qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan deegaannadaas oo saluugay saami qaybsiga ay ka heleen Golaha wasiirka xukuumaddiisa oo uu todobaadkan magacaabay.

BeelahaWaxa mar qudha cirka isku shareeray dhawaaqyada kala duwan oo ka soo yeedhaya qaar ka mid ah  Beelaha ku midoobay maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasi oo ku cabanaya inaanay xukuumadda Cabdiweli Gaas ka helin saamiyadii ay ka ku lahaayeen xukuumadihii isaga ka horeeyey. Waxgaradka, cuqaasha iyo  aqoonyahanka beesha Tanade (Leel-kase), ayaa kulan ay shalay magaalada Garoowe ku yeesheen waxay kasoo saareen qodobbo dhowr ah oo ku aaddan magacaabista xukuumadda cusub ee Puntland.

Kulankan oo intii uu socday khudbado kala duwan laga jeediyey waxaa markii uu soo gaba gaboobay laga soo saaray bayaan lix qodob ka koobnaa oo ay ku saxiixnaayeen in ka badan boqol qof oo isimo, aqoonyahan, culumaa’uddiin, dhallinyaro iyo haween isugu jirey.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ay beeshaasi markii hore taageero u haysay hoggaanka cusub ee Puntland balse hadda ay ka sugayaan in uu ka soo jawaabo cabashadiisa, iyada oo sida lagu xusay bayaankan saamiga beesha Tanade laga siiyey golaha wasiirrada cusub ee Puntland yahay mid aan u qalmin maadaama ay beeshu tahay mid baaxad weyn ku leh dhammaan deegaanada Puntland.

Tabashada ka dhalatay saami-qaybsiga dawladda Puntland kuma koobna oo kaliya beeshan, waxase si isdaba joog ah cabashooyin ay mucaaradad ku ladhantahay u soo jeedinaya beelaha kala duwan ee maamulka Puntland ku nool, kuwaasi oo qaarkood ku eedaynayaan madaxweyne GAAS in uu Golaha wasiirada ka buuxiyey cid aan inta badan ka soo jeedin beelaha dega maamulkaasi, sida xubnaha ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag oo sida ay ku doodayaan aan waxba u soo kordhinayn Maamulkiisa.

 Si kastaba ha ahaatee marka la eego xilligii doorashada ee laba todobaad ka hor sida ay shacabka Puntland u soo dhaweeyeen iyo sida ay hada durba uga qayliyeen, waxa soo if-baxaya dhaliilo iyo saluug laga tirsanayo maamulka Cabdiweli Gaas, kuwaas oo la odhan karo waxa ay hordhac u yihiin.

SOMALILANDPOST.NET