Tababarihii Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Hawd Oo Is-casilay

Hargeysa, (Somalilandpost.net) – Tababarihii Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Hawd Mustafe Yuusuf Maxamed (Mustafe Cirid) ayaa xilkii Tababarnimo ee Gobolka iska casilay waxaanu sheegay in dano isaga u gaar ah uu isku casilay ee aanu wax kale jirin, isagoo arrintan ka hadlayana wuxuu yidhi “Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Hawd waxaan tababare u ahaa muddo sannad iyo badh ah, markaas hadda aniga ayaa goostay oo go’aan ku gaadhay in aan iska casilo xilka Tababarnimo ee Gobolka, sabab kale oo aan isku casilayaana ma jirto, waana ka mahad sheegayanayaa Ciyaaryahanada Xulka iyo waliba taageerayasha, guul ayaana u rajaynayaa”
Source: geeska Africa newspaper.