Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi 1905-1984-kii – W/Q:C/raxmaan Axmed Koosaar Qaybtii 2aad

sheekh cali ibraahimKaalintii uu ka qaatay Cilmiga Diinta  ee Xaga Caalamka Islaamka .

Sheekhu isagoo macalin ka ah Dugsiga sare ee Cammuud lixdameeyadii ayuu nin yamani ah oo reer Borame ah oo ay saaxiib ahaayeen, dukaanna ku haysan jiray uu u keenay kitaab ka hadlaya cilmiga musdalaxul xadiis oo uu alifay Sheikh yamani ah oo la  odhan jiray Ibnal farax oo sidii jacayl u qoran isla markaana gabay ah, waxaanu ku yidhi sheikh kitaabkan oo ku adkaaday culimmadii yamanta inoo sharax, sheekhuna wuu ka qaaday kitaabkii wuxuuna yidhi haduu ilaahay ii fududeeyo waan isku dayi kitaabkaasi wuxuu ku bilaabmayay baydkan.

غرامي صحيح والرجا فيك معطل                                

Hadaba Arintu markay halkaasi marayso ayuu sheekhu  bilaabay inuu ilaahay ka baryo inuu u furo sharaxa kitaabkaasi, ka dibna waxa ishaaro u keenay sheekha nin macalin ka ahaa dugsiga alleh ha u naxariistee oo la odhan jiray Maxamed Jaamac Badmaax,  waxaanu ku yidhi sheikh waxaan ku riyooday iyadoo Nabigii Csw uu god buur ku yaala ku jiro,  ka dibna dhagax ayaa ku soo wilaan wishooday oo ku daboolmay, khaliqigii ilaahay ayaa isugu yimi way ka qaadi kari waayeen,  adiga ayuunbaa goor danbe soo dhaqaaqay oo aayar ka qaaday, sheekhuna wuxuu ku yidhi :- wax wayn baa ilaahay ku tusay,  waa kitaabakan xadiiska nabiga ka hadlaya oo sharixiisii la ii furayo Nabigana csw xadiiskiisa ayaa lagu shabahayaa.

Intaas ka dib ayuu sheekhu kitaabkii dhammeeyay oo gabaygii gabay kale ku sharaxay waxaanu u bixiyay  :-

   منطومه الفرح في زوال الترح لمنطومه ابن الفرح               

Waxaanu u dhiibay Ninkii yamaniga ahaa oo la odhan jiray Muxammad ibnu Yaxyal Amjadi waxaanu geeyay Yaman culimadii Yamanta ee kitaabka sheekha aragtay waxay u soo tiriyeen dhawr qasiido oo ay ku ammaanayaan sheekha Iyo Cilmigiisa waxaana ka mid ah tan hoos u qoran:-

سلامي للحبيب الهرجيسي        المسمي في صحيفته علي            

التقي ابن التقي ابن التقي           عليه تحيه ما دمت حي

شهاب الدين هو الركن القوي          هو ابن ابراهيم سيدنا الصفي

نظرنا نظمكم نظما بهي                   هنيا لك ايها الشيخ الزكي

يلين لنظمك القلب القسي                  فانت الكوكب المضي الفرقدي

عليا يا علي يا علي                 لقد نلت المني يا ابن الدكي

لك الايام طابت مع الوقت الهني             ومن ابغضك قد يدعي الشقي

اليك تحيه بالعنبري                        مخلطة غشاها الرجسي

نخصك انت قدوتنا السخي              عدد ما جا ريح ابطحي

لقد ساعد لك الوقت السني                       بلغت مناك باسعد الهني

ولا تنسي اخينا الاكملي                        محمد ابن يحي الامجدي        فابنك في عيش ارغدي                       وعبدالله ضوك فهو حي          واهل البيت لهم قلب السني               وستر الله يرعاهم هني

فطب نفسا ولا تبغي شجي              ولازم للوظيفه يا  نقي

وان الله ستار قوي                     ولظفه جاري لطف خفي

فهدا اخيك الاهدلي                  الفقير المستغيث الخارجي

وليس في المدينه يا صفي        هو البهلول الصديق الاقدمي

    فيرجوا من الامام الهرجيسي              بان يدعو له الرب العلي 

وصلي الله خالقنا الغني                  علي المختار طه الهاشمي  

Kaalintii uu ka qaatay Aasaaskii Tacliinta

Sheekh cali xaaji Ibraahim Wuxuu Kaalin Libaax ka soo qaatay aasaasidii waxbarashada dhulkan Somaliland, isagoo Hargeysa ka furay 1932 Dugsigii ugu horeeyay ee lagu barto wax barasho loo adeegsanayo Qalin  & Buug, iyadoo aradaydii dugsigiisu noqotay Dufacadii ugu Horeysay ee loo Qaatay Class kii  4aad eeugu horeeyay ee uu ingiriisku ka furay Dugsiga hadda loo Yaqaano ( Sh. Bashiir ).

Hadaba sheekhu ujeedadii uu kalahaa wax barashada si fiican ayuu u gaadhay,  waxaanay ahayd Xornimo, sidaana wuxuu ku sheegay Kitaabkiisa La yidhaado :-

المرشد  في ما مر من المعارك العلميه والمناطرات الدينيه لاجل التعليم في الاقليم الشما لي الصومالي                      

Aasaaskii Jimciyada khayriga ahayd ee SNS

Sheekhu wuxuu qayb ka ahaa aasaaska Jimciyad la odhan jiray , (SNS)  oo ka shaqayn jirtay arrimaha bulshada iyo dhaqdhaqaaqa xornimada,  isaga iyo rag kale, jimciyadaasi oo uu sheekhu ka ahaa xoghaye guud, waxa xusid mudan inaan halkan ku soo bandhigo warqad Taariikhi ah oo uu sheekhu u qoray Odayaal Reer Gaal kacayo ah,  oo madax ka ahaa jimciyad ka jirtay Gaalkacayo oo khayriya ahayd,  warqadaasi oo sheekhu qoray 3 april 1937 ,  kuna socodsiiyay

1.    Maxamuud yuusuf

2.     Muxamad Jaamac

3.     Cusmaan Nuur

4.     Aw Xasan Cadeh

Oo Madax ka ahaa Jimciyad ka jirtay Gaalkacayo, Taasi oo sheekhu ku hambalyaynayo inay samaysteen, kuna dhiiri geliyay inay hawshaasi si fiican oo qarsoodi ah u wadaan.

W/Q:C/raxmaan Axmed Koosaar

Moble: 0634109607

Hargeysa/Somaliland