Taariikh Nololeedkii Marxuum Suldaan Galaal oo shalay Xajka ku Geeriyooday.

Hargeysa(SLpost)-Alle ha u naxariistee waxa shalay magaalada barakaysan ee Makka ku geeriyooday Suldaan Maxamed Cabdillaahi Xuseen (Galaal) oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka Somaliland.

Waxaanu, haddaba halkan idiinku soo gudbinaynaa taariikh nololeedka Marxuumka, “Alle haw naxariiste Suldaan Maxamed Cabdillaahi Xuseen (Galaal), wuxuu ku dhashay magaalada Xaaxi oo ka tirsan Oodweyne, taariikhdu markay ahayd 1957. Malcaamadii quraanka wuxuu ka bilaabay Xaaxi, waxbarashadiisii hoose iyo dhexe iyos areba waxa uu ku qaatay magaaalda Burco.

Shaqadiisii koowaad ee dawliga ahayd wuxuu ka bilaabay guriga shaqaalaha ee magaalada Hargeysa. Sannadkii 1983 wuxuu u kicitimay wadanka Sucuudi Carabiya halkaas oo uu muddo badan ka shaqaynayay.

Sannadkii 1991 wuxuu madax ka noqday hay’adda islaamiga ah ee IQAASA (Islamic relief  org.) oo uu u qaabilsanaa Somaliland iyo Somaliya. Sannadkii 1996 waxa loo caleemo saaray Suldaanka Beelweynta Maxamed Daa’uud (Guuyoobe) waxaana lagu caleemo saaray magaalada Qotan-dabo.

Suldaan Maxamed Cabdillaahi, waxa uu ahaa nin ku suntanaa nabadaynti Somaliland ka dib markii uu nabad dhex dhigay dawladii xilligaas ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo beelihii ka soo horjeeday halkaas oo lagu guddoonsiiyay biladii nabadda kuna soo afjaray dagaalkii foosha xumaa ee sokeeye.

Suldaan Maxamed, waxa uu ku geeriyooday shalay (22/9/2015) magaalada Makkah ee barakaysan ee dalka Sucuudiga isagoo gudanayay waajibaadka xajka.

Alle haw naxariisto Marxuum Suldaan Galaal, umadda uu ka baxayna haka siiyo Samir iyo iimaan. Aaamiin.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika