Taariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) – (1940ii ilaa 2006dii) ~ W/Q: Boobe Y. Ducaale – Qormada 6aad

Ibraahim GadhleShalay doonnideennii,

Wada koray dadweynuhu,

Hadduu dirawalkeedii,

Kelidaa deg kugu yidhi,

Waqtigaa is-doorshee,

Maalintaad u deni tahay,

Isagana daruurtiyo,

Dusha sare ka soo tuur,

Ninkii dabinka kuu dhigay,

God dheer kuu dallaalimay,

Dalluun kuugu talo-galay,

Isagana dab nooloo,

Danbas lagu hagoogiyo,

Digo in aad u qarisay,

Dooddani ku leedahay,

Deebaaq qadhaadh iyo,

Dalqadaba waxaan gelin,

Nin durduuro kugu yidhi,

Dacar inaad u qooshtay,

Dooddani ku faraysaa,

Daandaansi-badanaa,

Duhur kuu badheedhee,

Dibirrooti kuu dhigay,

Libta looma daayee,

Dacatiga dhirbaaxada,

Inaad kaga danbeysay,

Dooddani ku leedahay,

Haro daafta joogtiyo,

Isagoo ku jira daad,

Kii harraadka kugu dilay,

Waqtigaa is-doorshee,

Marka roobku kuu da’o,

Durdurkiyo xareedaha,

Docda adiga kuu yaal,

Is-na kalaxa haw darin,

Gurigaad dalaysiyo,

Daartaada kii riday,

Inaad kiisa dumisay,

Dooddani ku faraysaa,

Wuxuu ruuxba kugu deyay,

Adiguna ku daw-mari,

Dubbe lagugu jiidiyo,

Damqashada ogeysii,”

Ibraahin aragtidiisu gurgur qaanso kuma ay dabranayn ee daaqsin geel iyo tahan ayay ka shisheysey. Halgankii hubaysnaa ee uu ku jiray mid rixin-goys ah oo aarsi iyo dibaaq ku qotoma ma ahayn. Wuxu se ku jiray halgan naxariis iyo dadnimoba ku dheehan tahay oo diin iyo dhaqanba aan ka arradnayn, anshax suubbanna. Bal aynu eegno dibuheshiisiinta iyo isa-saamaxa aragtidii uu ka lahaa. Intaas oo keliya ma aha e’, bal waxaad aragtidaa Ibraahin ku cabbirtaan dawgii aynu dibudhiskeenna, hub-dhigistii iyo horumarkeennaba u soo marnay. Ibraahin isaga oo mowduucaa ka hadlaya wuxu yidhi:

Hayeeshee dulqaadkiyo,

Saamaxaadda Diinkuna,

Waa dariiqo kuu furan,

Sharciguna ma diiddana,

Kaadida dameerkiyo,

Hadduu daammur kaa kale,

Dusha uu iskaga shubay,

Adiguna tu doofaar,

Isku daadi kuma odhan,

Xumo xumo ku daahiri,

Yaan doodda laga dhigin,

Doqon iyo nin liitiyo,

Yaan jaahil lagu dayan,

Dab munaafaq uu shiday,

Ayaan daacad lagu gubin,

Dugsi ma leh qabiilkuye,

Yaan dallaayad laga dhigan,

Dabuubtii marxuumkii,

Ku dardaarmay weeyaan,

Ama Deelley nagu tidhi,

Dacar dhiilka lagu shubay,

Malab uga danbaysii,

Denbigana ninkii galay,

Keligii dusha u saar,”

1992kii markii uu Gaarriye tiriyay maansadii Ergo, ayuu Ibraahin-gadhle isaga oo jooga Jabbuuti ka soo jawaabey. Aniga oo aan maanta halkan ku soo wada tixi karayn maansadii uu Ibraahin ku jawaabay, bal waxaan jeclahay in aan wax aan badnayn halkan ku soo qaato. Waxa kale oo aan jeclahay in aan dareenkiinna iyo indhihiinnaba ku soo jeediyo sida la yaabka iyo quruxdaba leh ee Ibraahin u soo qaatay sheekada waraabaha. Bal waa tan intii aan jawaabtaa Ibraahin ee Ergo idiin ka soo garoocay. Wuxu yidhi:

Aayihii Hadraawoow,

Ina Sugulle Caliyoow,

Cabdi Aadan Qaysoow,

Gaarriyoow ma-iishoow,

Anigoo Ibraahina,

Aaraarta maansada,

Iqra iyo Watiin iyo,

Alif baan ku furayaa,

Ammintay cir-jiidhiyo,

Afa-gaalle Nuuroow,

Ururrada caddaystaan,

Ayduba habeenkii,

Way uubateeyaan,

Fiintuna abaaraha,

Iyo eelka daba yaal,

Way ka sii ilmaysaa,

Ammin-khayrta fiidkii,

Iyo oogta waabberi,

Igadhkii maqaar lihi,

Markuu oon la saro kaco,

Ololkeeda Maadeys,

Geeddi kama adkaystee,

Mar haddaan irmaankii,

Cid ururisaa jirin,

Mar haddii agoomii,

Kii uruurin laa diley,

Aniguna alhuumada,

Afrikada dhex socotiyo,

Xilliyada abaaleys,

Kama aammusaayee,

Waxan odhanayaa maye,

Axdiga iyo dhaartii,

Waxan odhanayaa maye,

Ididiiladii shalay,

Iyo ulashadeennii,

Waxan odhanayaa maye,

Ummaddii midaysnayd,

Agagaarka Seyliyo,

Kolkay Ununuf joogeen,

Ama aagga buuraha,

Ama Eexo iyo Cayn,

Ama Awdal iyo Xeeb,

Ama dee Allaybaday,

Waxa ay ahaayeen,

Ciidammada asaaggood,

Kuwa ugu awood badan,

Mana lumin asluubtuye,

Istiqlaal markuu yimid,

Kuwa kala irdheeyaan,

Amakaag ka qaadee,

Dadkan aayahoodii,

Laga dhigay Ayaanloow,

Bad aleelo lagu shubay,

Marka arabakh tuugo ah,

Amaah loogu keenaba,

Maxay uga af-rogayaan,

Malaa oohintoodaa,

Ajar looga qorayaa,

(La soco………….)