Taariikh-nololeedka Ra’iisal-wasaraha Ethiopia, Meles Zenawi oo Kooban

Belgium (SLpost)- Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa maanta ku geeriyooda dalka Belgium.Hadaba waxaanu halka idinku soo gudin donna taariikh nololeedii Ra’iisalwasaare Melles

Taariikh nololeedkii Meles Zanawi oo kooban:

Meles Zenawe ayaa ku dhashay May 8, 1955 Adwa Waqooyiga Ethiopia waxana uu waxbarashadiisii hoose ku soo qaatay Queen of Sheba Junior Secondary School waxana uu dugsiga sare dhamaystey 1972 General Wingate School ee magaalada Addis Ababa.

Zenawi ayaa markaa kadib ku biirey jaamacada Addis Ababa kulliyadeeda Caafimaadka muddo labo sano ah. Mr Meles ayaa joojiyey waxbarashadiisii sanadkii 1974kii isagoo ku biirey jabhadii la oran jirey Tigrai Peoples Liberation Front (TPLF).

Sannadkii 1979kii waxaa loo doortay inuu xubin ka noqdo golihii hogaaminta ee TPLF, waxana uu ka mid noqday sanadkii 1983dii guddigii fulinta ee jabhadda. Zenawi ayaa guddoomiye u noqday TPLF iyo EPRDF oo ay ku midoobeen afar urur siyaasi ah oo ka jirey Ethiopia sanadkii 1989.

Markii la afgambiyey xukuumadii hore waxa uu noqday Zenawi madaxweynihii ku meelgaarka ahaa ee Ethiopia intii u dhexeysay 1991-1995. Hase yeeshee sanadkii 1995tii ayaa loo doortay

Ra’iisalwasaaraha xukumada Federalka Ethiopia waxana mar kale dib loo doortay sannadkii 2000. Zenawi ayaa noqday guddoomiyaha ururka Midowga Afrika june 1995 ilaa June 1996.

SomalilandPost.net