Taariikh Nololeedka Fannaankii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo maanta Hargeysa ku geeriyooday

maxamed-AxmedHargeysa (SLpost)- Alle Ha u naxariistee, waxa maanta Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Fannaankii Caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo in muddo xaalad caafimaad ugu jiray cusbitaalka, waxaana geerida marxuumka waraahinta u xaqiijiey Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa.

Maxamed Axmed Kuluc ayaa xanuun ka haleelay Sambabada la tacaalayey sannadihii u dambeeyey, waxana lagu daaweyneyey Gurigiisa Magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc ayaa ka mid ahaa Fanaaniintii Walaalaha Hargeysa oo sannadihii Kontonaadkii ka samaysmay magaalada Hargeysa ka hor intii aanu markii dambe ka mid noqon fannaaniintii Waaberi.

Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa muddadii uu fanka ku jiray waxa uu qaaday Heeso tiro bada iyada oo ilaa wakhtigan heesihiisu ka mid yihiin kuwa aan duugoobin ee la dhegaysto.

Marxuumka ayaa maalinta Berri ah la filayaa in Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Hargyesa.

Haddaanu nahay bahda Shabakadda Somalilandpost.net, waxaanu halkan tacsi uga diraynaa umadda Soomaaliyeed, Bahda Fanka Soomaaliyeed, Shacabka Somaliland, qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumku, dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo.

TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUMKA

Alle ha u naxariistii waxa uu fanka ku soo biiray sanadkii 1948kii isagoo ka mid noqday kooxihii ugu horeeyay ee laga aas aasay Cariga Somaliland xiligaasi oo ay socotay dabayshii gobonimo doonka .

Waxaanu Marxuumku xiligaasi calanka ka hor qaaday isla markaana Matalay riwaayado iyo heeso lagu wacyigalinayo bulshada inay iska ridaan heeryada gumaystihii ingriiska,kuwaasi oo ilaa maanta la xasuusto.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ka mid noqday kooxdii Walaalaha Hargaysa ee Ka hawlgali jirtay idaacada Radio Hargaysa,isagoo ka mid ahaa fanaaniintii habeenkii calanka laga taagay fagaaraha beerta xoriyada ka heesay halkaasi kuna luuqeeyay heeso ay ka mid ahaayeen,Aan Maalo Hasheena Maanqdeen oo Sameeyay Abwaan Saxardiid Maxmaed Jabiye Laxankana uu Saaray Alle Ha u Naxariistee Cabdiilaahi Qarshe.

Marxuum Maxamed Axmed Mudadii uu fanka ku jiray waxa uu ka qayb qaatay riwaayado iyo heeso iskugu jira Wadani,wacyigalin iyo Jacayl.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo ilaa wakhtigaas ilaa maanta ka mid ahaa hormuudka iyo tiirarka waawayn ee Fanka.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ifka Kaga Tagay Xaas iyo Caruur Iskugu jira Wiilal iyo gabdho iyo wixii ay sii dhaleen.

XIGASHO Taariikh Nololeedka Marxuumka:  TooshNews.com