Taajkii ugu dheeraa ee gabadh aroosad ahi ku lebbisato oo lagu daray Buuga Dhacdooyinka Layaabka Dunida

London, (SLpot)- Gabadh dhalinyaro ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Masar, ayaa habeenkii arooskeeda ku soo labisatay Taajkii, ugu dheeraa, gaar ahaan qaybta daba socota aroosada ee baal daa’uuska loo yaqaan. Gabadhan oo lagu magacaabo Elena dhalashadeeduna tahay Masriyad ayaa aroos balaadhan oo loogu qabtay dalka Talyaaniga waxa ka soo qayb galay, dad lagu qiyaasay konton kun oo qof, ayaa sidoo kale lagu gudoonsiiyay abaal marinta Guinness World Record Book, oo ay ku mutaysatay qaybta ka lulata Taajkeeda oo noqotay tii ugu dheerayd dunida ee lagu arko ama arosadi ku soo labisato. Dherarka qaybtaa ka lulata Taajka oo gabi ahaantiiba ka samaysan xariir iyo noocyada qaaliga ah ee dunta ayaa la sheegay in dherarkeedu gaadhayay 3.7Km, waxaana daba siday in ka badan kun hablood. Lamaanaha arooskan rikoodhka dhigay ayaa arooskoodu ka dhacay Kaniisad ku taala dalka Talyaaniga, ka dibna waxa lagu galbiyay gaadhi noociisu yahay Mercedes Model-kiisuna yahay 1950, ka dibna wuxuu gaadhigaasi u kala galbiyay degaanka Rue ilaa Naples waxaanay dhacdadani ku noqotay dunida wax layaab leh. Sida la sheegay arooskan ayaa qiimo aad u sareeya ku kacay, waxaanay lacagta inteeda ugu badani ku baxday tolista Taajkan oo laga keenayd dalka Ingiriiska oo lagu farsameeyay.

Somalilandpost.net

Dhacdooyinka Caalamka