Taagerid Golaha Madaxabanaan Ee Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka (Gmwtq)

baaqHaddii anu nahay qurbajoogta Somaliland ee ku sugan London macagyadooduna hoos ku qoran yihiin waxaan hambalyo iyo boqaadin u dirayna Golaha Madaxa banaan ee wadatashiga iyo toosinta qaranka ee laga dhawaaqay Hargeisa Kowdii Bishan Barakaysan ee Ramadan.

 Markii aan akhrinay dhallilaha ay cuskadeen Golaha Tosinta Qaranku, dhalliilahaas oo aan ahayn male awaal ee ah kuwa xaqiiqadda dalku marayo iyo xaaladda uu ku sugan yahay ka turjumaya ayna sababeen hogaanka lumay ee dalku oo ku jirta gacan aan loo igman, tudhaalna lahayn, waxanu istusnay annagoo kusugan Qurbaha in aanan kala bakhaylin Golaha is xilqaamay una kacay badbaaddadda ummadda iyo gacan ku soo celinta maamulka dalka cidda loo doortay, tageeraddayadda iyo wixii taban taabo ah ee aanu hidin karno.

Waxaan ku soo lingaxaynaaa taageeradan waafiga ah ee aan u soo gudbinay Gudida badbaado Qaran tixhan ku jiray gabay  uu curiyey Illaahay haw naxariistee Abwaan Adan Carab Ahmed in yar kadib isbedelkii dalka ka dhacay 1960 oo uu saluugay sida wax loo maamulayo iyo isbedel xumidda dhacday.

Maskab kama dhaxline wiilal baa helay macaankiiye

Kun nin baa martabadii u hadhay ama muluugtiiye

Inta kale mus ood laga rogtay meerayaan dibade .

Mukhlis iyo haddaan lagu shaqeyn orod maleegnaana

Ma xiniin yahay moodayaan muunad nala saaray

Ma naftiina maarbaw qabtaa nimanka loo miiray .

Maasha-iyo haddii aan miilka saro malow miyey fuuli

Ma mucaarid baan ahay hadaan xaqa ka maansooday

Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay.

1.    Maxmuud Xasan Carrale

2.    Cabdisamad Ali(Madoobe) Duale

3.    Abdi koosaar Faarah Jire

4.    Ahmed Mahdi Ibrahim

5.    Xamse haaji xasan

6.    Saciid  Ali Abdillahi

7.    Osmaan Xariir

8.    Cabdiqaadir xandhule

9.    Cabduiqaadir Xassan Faraax

10.  Ismail Caydiid Faarax