Taageeridda Shirka Turkiga – W/Q: Dhaqaalayahan Abdirashiid Axmed Guleed

Rashiid Axmed Guuleed

rashiid axmed GuuleedWaxa la wada ogsoon yahay in xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay aqbashay ka qaybgalka shirka bishanApril badhtamheeda ka dhacaya dalka Turkiga. Sida la sheegay xukuumadu waxay martiqaad ka heshay dawladda Turkiga. Si kastaba ha ahaatee arrintaasi waxay sababtay in ay bilaabanto dood u dhaxay qaybaha kala duwan ee shacabka reer Somaliland. Qaar baa shirka taageeraya qaarna way kasoo horjeedaan. Koox waliba fikirkeeda waxay ku sallaynaysaa wixii ay ka aaminsantahay wadahadalada iyo waxay wadahadaladaasi ku keeni karaan qadiyadda Somaliland ee gooni isu taaga ah. Waanay iska caddahay in shacabka reer Somaliland intooda badan ay ka go’antahay gooni-isu-taagu.
Ujeedada qoraalkaygani waa in aan saaxada ku soo dhextuuro fikir dhexdhexaad ah oo ah in wada hadaladda iyo hadafkoodaba lagu eego su’aasha ah maxaa Somaliland ay ka faaiidi kartaa wadahadalada ay la gelayso Somalia?
1. Mabda’a Wadahadalka
Wadahadalku marwalba waa inuu noqdaa hadaf diblumaasi ah oo aan laga leexan karin. Wadahadal waxaa ka baqa uun ciddii aan isku kalsoonayn ee meel iin ku leh. Mana jirto sidaa waadixa ah wax ay Somaliland ku waayayso inay cid kasta horfadhiisato oo ay qadiyadeeda u bayaamiso. Mana muuqato sabab la sheegi karo oo ay xukuumadu uga gabato shirarka ku saabsan wadahadalada ay la leedahay Somalia. Mida kale dawlada Somaliland waa lasoo doortay oo shacabkii soo doortay wuxuu u igmaday inay metesho dhinac walba.
Waxa kaloo jirta in shirkii ugu horeeyey ee bishii May 2012 London loogu qabto labada dal in uu wax wayn ka bedelay fikirka dadka caadiga ee reer Somaliland ee ku aadan arinta wadahadalka labada dal oo taariikhdaa ka hor aan odhan karo wuxuu ahaa mid diidmo qayaxan ka horkeena mabda’a wadahadalka laftiisa. Xumkuumada madaxweyne Siilaanyana way ku amaanan tahay mawqifkii adkaa ee xilligaa ay ku go’aansatay ka qaybgalka wadahadalada.
2. Somaliland Maxay Wadahadalka ka Faaiidi Kartaa Maxayse ku Waayi Kartaa
Balaan isbarbardhig ku samayno waxay Somaliland shirarkan wadadahadalka ku waayi karto iyo waxay ka faaiidi karto. Iima muuqato waxay Somaliland ku waayi karto kaqaybgalka wadahadalada, marka laga reebo waqtiga madaxwaynaha iyo kooxdiisa wasiirada ah ee uu shirarka u kaxaysto waqtigaasi oo ay ugu shaqayn lahaayeen shacabka reer Soamliland.
Waxa ay Somaliland shirarka wadahadalka ka faaiidi karta waxyaabo badan oo aan ka xusi karo saddex arrimood. Kow, maadaama ay xukuumadu aqbashay ka qaybgalka wadahadalada mawqifkeeda diblumaasi ayaa xoogaysana oo waxaa loo arkayaa dawlad qadarinaysa dawladaha waaweyn ee shirarka qabanaya. Laba, waxa ay Somaliland heli kartaa caawimada dawladaha deeqda bixiya oo markaasi ayka heli karto saamiga ay gobol ahaan ku leedahay deeqda uu caalamku ugu talo galay horumarka dawladdii lasyku odhan jiray Somalia maadaama ay Somaliland deeqdaasi sharci u leedahay inay qaybteeda hesho. Waxaynu wada ogsoonahay in mudadadii ka danbaysay May 1991 markay Somaliland madax banaanida ku dhawaaqday aanay Somaliland helin deeq caalami ah oo la taaban karo marka laga reebo waxoogaa lasoo mariyo
hayadaha. Arrinta saddexaad eey Somaliland ka faaiidi karto ka qaybgalka shirarka wadahadalada waxa weeyaan ta ugu muhiimsan oo ah in xal waara loo helo kala go’a labada dal. Inkastoo ay aqlabiyadda reer Somaliland ay aaminsanyihiin in si kama danbaysa ay u kala goeen labada dal haddana arrintaasi maaha mid ay qaateen bulshada caalamku. Maanta adduunka waxa ka jira waxa loo yaqaan bulshoda caalamka “International Community”. Ma jiro wadan ku doodi kara in uu ku nool yahay meel ka baxsan bulshada caalamka. Hadday reer Somaliland isku qanciyeen oo ay aamineen in ay noqdeen wadan ka gooni ah Somalia, waxa loo baahan yahay in mabda’aasi laga dhaadhiciyo bulshadda caalamka. Reer Somaliyana dhinacooda waxay leeyihiin Somalia may kalagoin ee Somaliland waa gobol naga mid ah ee sidii Muqdisho loo hoos keeni lahaa gacan bulshada caalamku hanaga siiso. Somaliland waxa la gudboon in ay dooda dhinacooda usoo dhigaan si ay kaga badin karaan dhinaca kale. Miiska wadahadalka ee bulshada caalamku Somali u fidisay wuxuu la mid yahay garoonka kubada oo kale. Ma jirto cid cid qasbaysaa. Waxa keliya oo loo baahan yahay in la ilaaliyo qawaaniinta ciyaarta maadaama siidhiwaluhu uu yahay ruug cadaa ku ciraystay aqoonta diblumaasiyadeed. Arrinku waa “kii roonow reerka u hadh”.
3. Hufnaan (Transparency) Baahidda loo Qabo
Sidii aan hore usoo sheegay xukuumada Somaliland waxay ku timid doonista shacabka. Sidaa darteed ma jirto sabab ay ula gabato mawqifkeeda markay ujeedinayso bulshadda caalamka. Dhinaca kale markaad ka eegto waxa loo baahan yahay in xukuumadu ay ku sifaydo mid wadahadalka ay Somalia la gelayso ku salaysa hufnaan ama shafaafiyad si taageeradii shacabku kursiga ku saareen aanay waxba isooga dhimin. Dimuqraadiyada ayaa keenaysa in xukuumada ay la xisaabtamaan shacab iyo xisbiyo mucaarid ahi. Somalia marka wahadahadal lala gelayana waa arrin xasaasiyadeeda leh. Culayska xukuumada saarani waa in ay marwalba isku miisanto mawqifka shacabkii soo doortay iyo mawqifka bulshada caalamka. Waxa shaki la’aan ah in mawqifka xilligan ee bulshada caalamku uu yahay mid taageeraya midnimadda Somalia oo uu kasoo horjeedo gooni-isu-taaga Somaliland. Marka uu xaal sidaa yahay, shacabka reer Somaliladna waxa looga fadhiyaa inuu taasi ogoodo oo uu dareemo culayska diblumaasiyadeed ee xukuumadiisa saaran. Shacabka iyo xukuumaddaba waxa looga baahan yahay dulqaad iyo wadashaqayn ku salaysan faham la fahmayo xaalada diblumaasi ee maanta haysata dawlada Somaliland. Si gaar ahna xukuumada waxaa looga fadhiyaa inay la timaado bisayl diblumaasi oo aanay degdegin oo ay marwalba isu dheelitirto labada mawqif ee shacabkii soo doortay iyo mawqifka bulshada caalamka.
Gabagabo
Waxaan ku soo gabagabaynayaa saddex qodob oo kala ah:
Qodobka koowaad. Shacabka reer Somaliland waxa looga baahan yahay in fahmaan mawqifka bulshadda caalamka ee ku aadan midnimadda Somalia. Waxa kale oo shacabka reer Somaliland looga baahan yahay in ay qadariyaan culayska saaran xukuumadda Somaliland ee ka saaran dhinaca bulshada caalamka oo ay tahay in si xikmadi ku jirto loola tacaamulo.
Qodobka Labaad. Xukuumada Somalilandna waxa looga fadhiyaa in si xirfadaysan ay kubada ula ciyaarto bulshada caalamka iyo xukuumada Somalia. Xukuumada Somaliland qasab kuma aha in inta xilka uga hadhay ay xal kama danbays ah ka gaadhaan iswaafajinta mawqifka shacabka Somaliland iyo mawqifka bulshada caalamka oo la mida ah ka dawlada Xamar.
Qodobka Saddexaad. Xukuumadda Xamarna waxa looga baahan yahay inay la timaado siyaasad qadarinaysa culayska saaran xukuumadda Somaliland oo ah mid dimuqraadi ah oo ku qasban tixgelinta mawqifka shacabkii soo doortay.
Markaa la helo saddexda arimood ee kor ku xusan ayaa la arkaa in xal waara laga gaadho arrinta u dhaxaysa Somalila iyo Somaliland.

by. Dhaqaalayahan Abdirashiid Axmed Guleed
abdirashidaa@gmail.com or 252 24225920