Taageerayaasha Xisbiga Waddani oo mudaharaad laga soo horjeedo Xukuumadda Siilaanyo ka sameeyey Xaafado ka mid ah Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Dhalinyaro gadoodsan oo u badan taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa caawa muddaharaad kooban ka sameeyey Xaafadda New Hargeysa, Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, halkaasoo ay waddooyinka Taayirro ku gubeen.

news1Dadka Muddaharaadka sameeyey caawa ayaa ku dhawaaqayey Erayo ay ka mid ahaayeen; “Xukuumaddu faro-gelinta haka deyso Golaha Wakiillada, Dooni mayno inay Xukuumaddu Golaha Sharciga ah cabbudhiso.” Weedhahaas iyo kuwo la macno ah oo kale ayey ku dhawaaqayeen Muddaharaadayaashu.

Ciidammada Booliska oo isugu jira kuwa u tabobbaran la-dagaallanka Argagixisada iyo Booliska rayidka loogu talo-galay oo Hubaysan, isla markaana dhawr Baabuur laga soo buuxiyey, ayaa gaadhay goobaha ay Bannaan-baxayaashu Taayirrada ku gubeen oo kala ahaa meel ku dhaw Huteelka Kaah oo Laamayda dhexdeeda ah, goob Baar-waraabe ah iyo laba goobood oo labadaas meelood u dhaxaysa.

Boolisku waxay kala eryeen dadka goobahaas ku muddaharaadayey, isla markaana waxay bakhtiiyeen Taayirrada iyo waxyaabaha kale ee ay Jidka ku gubeen. Hase-yeeshee, goobta Baar-Waraabe oo ay Muddaharaadayaal tiro badani isugu soo baxeen, isla markaana ay dhawr Meelood Waddada Taayirro kaga gubeen, ayaanay weli Boolisku ku guulaysan inay bakhtiiyaan oo ay bannaan-baxaasi joojiyaan, ka dib markii ay dadku soo bateen, inay kala dareeraanna ka diideen.

Muddaharaadkan ayaa ka dhan ah tallaabooyinka ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo doonayso in xilka Guddoomiye-nimo ee Golaha Wakiillada Somaliland lagaga tuuro Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, taasoo maalmihii u dambeeyey ku mashquulsanayd inay hanti badan ku bixiso sidii ay aqlabiyadda Xildhibaannadu xilka uga tuuri lahaayeen Guddoomiyaha.

Maalinta Isniinta ah ee Berri, ayaa la filayaa in muddaharaad kan caawa ka ballaadhani ka dhaco magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasoo isagana lagaga soo horjeedo tallaabooyinka faro-gelinta iyo awood-raadiska ah ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda KULMIYE ka dhex-wadaan Golaha Wakiillada Somaliland.

XIGASHO: Aftahan News