Taageerayaasha Xisbiga UCID oo maanta Wacdaro ka muujiyey Fagaaraha Beerta Xoriyadda Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta wacdaro ka muujiyey Isu-soo-bax ballaadhan oo ay ka sameeyeen Fagaaraha Beerta Xoriyadda, iyada Isniinta maanta ku beegnayd maalinta afraad ee ololaha Xisbiga UCID.

Taagerayaasha Xisbiga waxa Isu-soo-baxa kala qayb-galay masuuliyiinta sar-sare ee UCID oo uu hoggaaminayo Murashax Faysal Cali Waraabe halkaas kala hadlay dadweynaha isla markaana Khudbad u jeediyey Taageerayaasha UCID, waxaanu murashaxu ka codsaday Taageerayaashii iyo dadweynaha Somaliand inay Codkooda siiyaan sannadkan oo uu markii saddexaad Madaxweyne u sharraxan yahay.

HOOS KA DAAWO MUUQAAL KOOBSANAYA WARKA ISU-SOO-BAXA UCID EE MAANTA