Taageerayaasha Murashax Ilyaas aw-Xuseen Jaamac oo Wacdaro ka muujiyey Isu-Soo-baxii Maanta ee Beerta Xoriyadda

Hargeysa (SLpost)- Iyada oo ay maanta ku ekayd wareeggii ugu dambeeyey ee ololaha doorashada Goleyaasha deegaanka ee urur-siyaasadeedka DALSAN oo taageerayaashiisu si weyn isugu baxeen dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa munaasibad ballaadhan loogu qabtay Beerta Xoriyadda ee Caasimadda Hargeysa.

Taageerayaasha Murashax Ilyaas Aw-Xuseen Jaamac oo u Sharraxan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa cudud taageero oo ballaadhan ku soo bandhigay isu-soo bixii maanta ee taageerayaasha urur-siyaasadeedka DALSAN isugu yimaaddeen Beerta Xoriyadda.

Ilyaas aw-Xuseen Jaamac oo ka mid ah murashaxiinta ugu Cadcad isla markaana ugu miisaanka culus murashaxiinta urur-siyaasadeedka DALSAN, ayaa taageerayaashiisa oo ku gaashaaman Astaanka ururka DALSAN iyo Sawirka murashaxooda oo Numberkiisa Codeynta oo ah 412, waxa ay si mug leh u dhex-muuqdeen isu soo baxii maanta ee Beerta Xoriyadda.

Murashax Ilyaas aw-Xuseen Jaamac oo taageerayaashiisa kala hadlay fagaaharaha Beerta Xorriyadda, ayaa soo bandhigay baahiyaha bulsho ee uu wax ka-qabashadooda xoogga saari doono haddii uu ku guulaysto tartanka xildhibaannimada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Murashax Ilyaas aw-Xuseen Jaamac oo waayo-aragnimo u leh hawlaha Golaha Deegaanka Caasimadda isla markaana muddo ka soo shaqaynayey, ayaa ugu horreyn taageerashiisa uga mahad-celiyey cududda taageero ee ay u muujiyeen, waxaanu ku booriyey inay taageerada ay u muujiyeen mid la mid ah ku qaabilaan maalinta Doorashada ee goobaha Codbixinta loo dareero.

“Waxaanu u taaganahay inaanu wax ka qabanno waxyaabo badan oo aanu xogogaal u nahay. Waxaanu wax ka qabanaynaa  Dadka Xanuusanaya ee magaalada ku darayeysan in la ururiyo. Waxaanu wax ka qaban doonaa oo aanu ku dedaalaynaa Darbi-jiifta deyacan,”ayuu yidhi Murashax Ilyaas aw-Xuseen.

SOMALILANDPOST.NET