Switzerland Oo Cod U Qaadaysa In Dadka Muhaajiriitna Ah Ee Qaata Sharciga Dalkaas Dib Loo Mustaafirin Doono Hadii ay Danbi Yar Galaan

Switzerland(SLpost)-Waxaa dalka Switzerland ka socota afti ay shacabkiisa u qaadayaan in dadka shisheeyaha ee dembiyada yaryar gala la tarxiilayo iyo in kale.

Qorshahan ayaa waxaa wata xisbiga garabka midig ee Swiss People’s Party.Xisbiga ayaa sheegay in shacabka Switzerland ay aad uga walwalsan yihiin muhaajiriinta dalkooda kusoo badanaya iyo dhibaatooyinka la sheego in ay la yimaadaan.

muhaajiriin cod

Xisbiga ayaa doonaya in shisheeye kasta oo laba goor dembi yar gala muddo 10 sano gudahood ah, laga tarxiilo Switzerland asaga oo aan wax racfaan ah qaadan karin.

Dadka diidan qorshahan ayaa sheegaya inuu si aan cadaalad ahayn u beegsanayo afar meelood meel ka mid ah bulshada dalkaasi oo muhaajiriin ah, isla markaana uu kala soocayo cadaalada dalka.