Suuriya: Ruushka Oo Duqeeyay Koox Maraykanku Taageero

 

Suuriya(SLpost)-Dayaaradaha dagaalka ee Ruushka, ayaa maalintii labaad duqeymo ka geystay waddanka Siiriya, iyadoo goob joogayaal madax bannaan ay sheegayaan in kaliya bartilmaameedkooda uuna aheyn dayaaradahaasi kooxda ISIS, balse ay sidoo kale beegsanayaan xarrumaha koox mucaarad ah oo uu Mareykanku taageero.

Wasiirka difaaca ee Ruushka, ayaa ku sheegay war Tv-ga laga sii daayay in ay ciidamadoodu bartilmaameedsadeen dhowr xarrumood oo kooxda ISIS ku leeyihiin Siiriya, xarrumahaasi oo ay ku jiraan xarrun talis ciidan ah iyo laba goobood oo rasaasta lagu keydiyo.

Afhayeen u hadlay ciidamada, ayaa Khamiista maanta u sheegay warfidiyeennada in bartilmaameedyada la doortay iyadoo wada shaqeyn lala yeelanayo ciidamada Siiriya.

Weerarrada cirka, ayaa Khamiistii lagu qaaday xarrumaha kooxda mucaaradka ah ee Tajamu Alezzah, oo uu Maryekanku taageero, sida ay baahisey hay’ad Britain laga leeyahay oo xaquuqul insaanka qaabilsan.

Si kasta oo ay tahay xog-hayaha arrimaha dibbadda Mareykanka John Kerry,ayaa Arbcadii ka sheegay shirka golaha ammaanka ee Q.M. ee NY, in militeriga Mareykanka iyo Ruushka ay sida ugu dhaqsiyaha badan yeelan doonaan wada hadal, si looga fogaado inay isugu dhacaan gudaha Siiriya.